WorldRemitAds

Gabiley, Somaliland, March 12, 2012, (Saxafi) – Mudanayaal ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley ayaa shalay laga sii daayay Xabsiga, Isla markaana loo fasaxay shir aan caadi ahayn oo ay doonayaan inay ku doortaan Maayarka Magaaladda Gabiley.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu amray in saldhiga dhexe ee magaaladda Gabiley laga soo daayo 11 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley, kuwaasi oo doraad Xabsiga la geeyay ka dib markii lagu eedeeyay inay ku dhaqaaqeen mudaharaad khasaare kooban keenay oo ay kaga jawaabeen talaabo loogu diiday shir aan caadi ahayn oo ay doonayeen inay ku doortaan guddoomiye.

Xildhibaanadan oo in muddo ahba isu kaashanayay kuna hawlanaa  abaabul ay kaga horjeedaan Maayarka magaaladda Gabiley Khadra Xaaji Gaydh ayaa wararka aanu ka helay magaaladda Gabiley waxaa ay tilmaamayaan in shalay Qoraal loogu ogolaaday shirka ay doonayeen iyo kan lagu sii daayayba loogu wadda geeyay Xabsiga. Islamarkaana, ay halkaas ka bilaabantay is weydiinta ninka loo dooranayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka iyo dareen kala shaki ahi.

SomlegalAds

Wararka qaar waxaa ay tilmaamayaan in udub dhexaadka ololayaasha Xildhibaanadan marka la isku soo xooriyo ay kalla wataan uu yahay hanaan ku dhisan saami qaybsi la xidhiidha hanaanka maamulka degmadda iyo gobolka Gabiley. Siddoo kale waxaa wararku tibaaxeen in aanay meesha ka madhneyn oo ay mudanayaasha qaarkood ku doodayaan in markoodda la tijaabiyo maadaama aanay hore u soo marin hogaaminta golaha deegaanka, halka kooxda kalena ay kaga doodayaan in ay waaya-arrag u yihiin taladda, labaddan dhinaca waxaa la sheegay inay ka mid-yihiin oo ay ugu cad-cad yihiin Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan (Sangal), iyo Boqor Muxumed Geelle Seed.

Warku waxaa uu intaas ku daray in illaa shalay galinkii danbe magaaladda Gabiley laga dareemayay  dhaq-dhaqaaqa odyaal dedaal ugu jira inay mudanayaashan ku qanciyaan in ay joojiyaan is barbar-yaaca iyo kalla hororsiga. Islamarkaana ay shirka la tagaan go’aan maan-gal ah oo lagu wadda qanci karro.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadda kooxdan xildhibaanadda ah doraad lagu xidhxidhay ayaa ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee soo marta degmadaasi, in kasta oo tiraba laba Maayar oo hore oo sidoo kale diidanaa shirar aan caadi ahayn oo xilka lagaga qaadayay ay adeegsaddeen ciidamo Boolis ah oo ay Xildhibaanadii ka horjeedday ku cabudhiyeen,. Kuwaasoo kalla ahaa Xildhibaan Maxamed Cabaas Jaamac  iyo Xildhibaan Xusseen Maxamed Jameeco oo labaduba ka mid ah Xildhibaanadda doraad loo xidhay isku day ay doonayeen inay ku qabsaddaan shirkan shalay dib loogu ogolaadday.

 Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo waqtigan haysa xilka guddoomiyaha degmadda Gabilay ayaa si ku meel-gaadh ah ulla wareegtay hawsha Maayarnimo oo ay ku xigeen ka ahayd ka dib markii guddoomiyihii lagu eedeeyay falal musuq-maasuq. Waxaana mudada ay xilka haysayba taagnaa muranka welli taagan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.