WorldRemitAds

Mudane Carbeed oo ka tirsan golaha barlamaanka Israel ee (Knesset)-ka lagu magacaabo, ayaa ka dhex eedaamay fadhigii golahaas ee maalintii shalay, oo uu ka jeedinayay khudbad uu kaga soo hor jeedo sharciga cusub ee xukuumada Israel ku soo rogtay Masaajidada iyo Kaniisadaha.

Mudanahan oo lagu magacaabo, Axmed Dayib, ayaa isagoo cadho badani ka muuqato, si kulul u canbaareeyay raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, oo uu ku eedeeyay inuu hogaaminayo olole Islaam Nacayb ah “Islamophobia” kaas oo sida uu hadalka u dhigay uu adhaxda kaga jabi doono.

Waxa kale oo uu xildhibaankani sheegay in isku day kasta oo raysal wasaare Netanyahu iyo xukuumadiisu ku doonayaan inay hoos ugu dhigaan ama ku tirtiraan jiritaanka Shacabka Reer Falastiin uu guul daraysan doono.

SomlegalAds

Mudane Ahmed Taibi ayaa sidoo kale weeraray xildhibaanadii golaha ku sugnaa ee qariibsaday eedaanka iyo khudbadiisa, waxaanu ku yidhi, dhawr sanadood ka hor waxaad halkan ka soo jeediseen in qof kasta oo Allaahu Akbar laga maqlo lagu fasaxo Eyda booliska, taas oo dulmi cadaan ah iyo nacayb aad islaamka u wada qabtaan muujinaysay.

Imikaan eedaamayaa oo aan leeyahay Allaahu Akbar, ma Joogaan Ey aad igu dirtaan? Ama Ey nagu dira ama waxaad doontaan sameeya, ee waxaad ogaataan inaan la joojin doonin eedaanka oo uu socon doono, waxa kasta ha sameeyo Netanyahu wuu ku guul daraysan doonaa.

Mudane Axmed Dayib waxa uu xildhibaanada golaha Knesset-ka waydiiyay, sida ay noqon lahaayeen haddii loo diido, fasaxyadooda diiniga ah, gaar ahaan fasaxa Danbi Dhaafka ama “Qufraanka” loo yaqaano ee ay sida wayn u ciseeyaan?

Ka dibna isaga ayaa ka jawaabay oo yidhi, waad cadhoon lahaydeen, laakiin anagu haddanu nahay Muslimiinta, dadka kale diintooda iyo cibaadadooda kuma xad gudubno, idinkuse waan idin aqaanaayo waad jeceshihiin in Muslimiinta la dhibaateeyo.

Xukuumada dalka Israel ee uu hogaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa todobaadkan meel marisay, sharci cusub oo lagu mamnuucayo eedaanka Makarafoonada ee Masaajidada Magaalada barakaysan ee Qudus, ku yaala, waxaanay xukuumada Israel mar marsiiyo uga dhigatay inay dhibaato ku hayaan dadka Yuhuuda ah ee degan xaafadaha ka ag dhow masaajidada.

Xukuumada Falastiin ayaa gaashaanka u daruurtay sharcigan xukuumada Israel ku mamnuucayso eedanka Makarafoonada Masaajidada, waxaanay xukuumada Falastiin ku tilmaantay in maamulka Israel ku dhawaaqay dagaal diimeed hor leh oo ka bilowda bariga dhexe gaar ahaan magaalada barakaysan ee Qudus.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.