WorldRemitAds

Mudane ka tirsan baarlamaanka Kanada oo lagu magacaabo Mark Holland, ayaa sanadkii labaad bisha barakaysan ee Ramadaan la soomaya, muslimiinta ku dhaqan dalka Kanada, waxaanu mudahan oo wasiir hore ka soo noqday xukuumada dalkiisu sodonka cisho ee Ramadaan la jaal noqon doonaa muslimiinta.

Mark Holland ayaa sanadkii hore dhamaystay sodonka cisho ee Radamaan, waxaanu warbaahinta u sheegay caafimaad iyo faa’iidooyin uu ka helay soonka iyo af xidhnaanta, sidoo kale waxa uu mudahani sadaqo u baxsaday dhamaan dakhligii ku baxayay cuntada iyo cabitaankiisa sodonka cisho ee Radamaan uu isticmaali lahaa.

SomlegalAds

Mudahan reer Kanada oo aan wali qaadan diinta Islaamka ayaa si wayn ugu faraxsan inuu sanadkii labaad soomo bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu soonka iyo jawiga Ruuxaaniga ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan ku tilmaamay mid mucjiso ah oo aanu macaankeeda oo kale waligii arag wax la mid ahna oo uu ku suureeyana aanu garan karayn.

Waxa uu maalin walba la afuraa Muslimiinta dalka Kanada oo iyaguna balan ku qaaday inay sodonka Ramadaan kafaalo qaadaan, afurka, cashada iyo Suxuurtiisa, sida warbaahinta dalka Kanada oo ugu yeedhay nin la rafiiqay muslimiintu ku warantay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.