WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 4, 2018 (Saxafi) – Shir guddoonka Golaha Wakiilladda Somaliland iyo Mudaneyaasha Aqalkaasi ayaa shalay yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin.

Kulankan oo aan Saxaafadda loo ogolayn ayaa loo badinayay in ay Shir Guddoonku kaga hadlayeen Arrimaha ku soo biiray Xaaladda Dalka uu ku jiro, kuwaas oo ay ka mid yihiin sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Xisbiyadda Mucaaradka ah Iyo Xukuumadda Kulmiye oo ku kala fogaaday Arrinta Guddida Doorashooyinka, Colaada dib uga bilaabantay Gobolka Sool iyo Dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka Soo Socda, hasayeeshee may noqon kuwo lagu soo hadal qaaday intii uu shirkoodaasi socday.

SomlegalAds

Dhinaca kale Xildhibaan ka gaabsaday in laga sheego magaciisa ayaa u sheegay Hadhwanaagnews in lagaga hadlayay kulankaasi dhex maray Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda iyo Xildhibaanada sidii loo Joogtayn lahaa isla markaana xildhibaanadu uga soo xaadiri lahaayeen fadhiyadda.

Waxa aad looga dooday sidii ay xildhibaanadu u ilaalin lahaayeen Wakhtiga isla markaana uga soo xaadiri lahaayeen dhamaan fadhiyadda soo socda, maadama ay isbedelo ka dhaceen dalka.

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa intii uu isbedelay Shirguddoonkoodu waxa ay ku dhaqaaqeen talaabooyin hor leh, waxaanay ansixiyeen Xeerar ku muddo dhaafay Golahaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.