WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 31, 2016 (Saxafi) – Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof ayaa lagu soo gabo gabeeyey bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ee sanadkan 2016-aad oo ku suntanaa kalkii 9-aad ee la qabto.

Bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa oo sanad walba la qabto hal mar ayaa waxa lagu soo bandhigaa buug kala duwan oo  ka hadlaya xaalado iyo cilmiyo kala duwan, kuwaasi oo ay qoreen dad Soomaali ah iyo kuwa aan ahayn oo  dunida ka tirsan, waxaana sanadka kasta loo qaataa hal ku dhig cinwaan Aqoonyahanada ka soo qayb galayaa ku falanqeeyaan, iyada oo sanadkan uu ahaa cinwaanka lagu falanqeeyey ee Aqoonyahanada dunida ka socday ka hadleen Hoggaaminta iyo Hal-abuurka.

Bandhiga caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa sidoo kale waxa sanad kasta la marti galiyaa dal, isaga oo dalkaasi soo bandhigo hibadiisa qoraalka, hal-abuurka iyo taariikhihiisa, waxaana sanadkan marti ku ahaa Dalka Ghana.

SomlegalAds

Gabo gabadiii Bandhiga Caalamiga ah ee buugta Hargeysa ayaa dorraad Jimcihii la qabtay, isaga oo bandhigu socday muddo lix cisho ah 23 ilaa 28 bishan July 2016, waxaana ka soo qayb galay munaasibada gabo gabada dad aad u tiro badan oo gaadhaya kun iyo wixii ka sii badan, waxaana munaasibada khudbado ka jeediyey Guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Agaasimaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, Sheekh Maxamuuud Sheekh Dalmar, Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah Hal-abuur da’yar.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo  khudbad ka jeediyey  bandhiga Caalamiga ah ee buugta Hargeysa ayaa sheegay in Hoggaamintu tahay mid lagaga dayano Nabi Maxamed (NNKH), isaga oo sharaxaad kooban ka bixiyey aragtidiisa ku sabsan mawduuca sanadkan bandhigga lagaga hadlayey oo ahaa hoggaaminta.

Guddoomiye Cirro ayaa waxa khudbadiisii uu ka jeediyey gabogabada bandhiga caalamiga ah ee  buugta Hargeysa waxa ka mid ahaa “In badan ayaa halkan lagaga hadlay hoggaaminta oo wax badan laga diyaariyey oo haddii aan sharaxaad kooban ka bixiyo hoggaamintu waa awooda aad hiigsi ugu bedeli waxqabad muuqda, waxaanan aaminsanahay inaynu soo saari karno hoggaamiyeyaal, iyada oo la isku raacay in Nabi Maxamed (NNKH) ahaa  hoggaamiyihii dhamaystirnaa ee soo mara dunida, waxaanan hadalkayga ku soo  koobayaa ‘Inta maanku gaajaysan  yahay guuli waa wali’”

Agaasimaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac ayaa khudbad uu madasha ka jeediyey waxa uu kaga hadlay faa’iidada bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa qaranka u leeyahay.

Jaamac Muuse Jaamac ayaa sidoo kale khudbadiisa waxa uu ugu mahadnaqay ka soo qayb galayaasha bandhiga iyo cid kasta oo kala shaqaysay sidii uu u hirgali lahaa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa 0“Waxaan u mahadnaqayaa ka soo qayb galayaasha intii uu socday Bandhiga caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo muddo lix cisho ah ahayd, waxaan sidoo  kale u mahadnaqayaa martidii ka soo qayb gashay ee dal iyo dibadba lahayd oo ay ugu horeeyaan martida dalalka kala duwan ee aduunka inooga timid, sidoo kale waxaan u mahadnayaa cid kasta oo nagala qayb qaadatay Banndhigga”

Jaamac Muuse Jaamac oo  hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bandhigu waa muraayad umaddu ka dheehato horumarka qarankeena, iyada oo ay inagala soo qayb galaan sanad kasta marti kala duwan oo daafaha dunida ka socotaa”

Sheekh Maxamuuud Sheekh Dalmar oo isaguna munaasibada hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Mahadnaq ayaan u dirayaa qaban qaabiyeyaasha iyo ka soo qayb galayaasha, waxaad ogsoon tihiin in mawduuca sanadkan ahaa Hoggaaminta iyo Hal-abuurka, iyada oo in badan laga hadlay muddadiii uu socday bandhigga caalamiga ah buugta Hargeysa, isla markaana dhinacyo badan la iska taagay”.

Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isna madasha ka jeediyey hadal ku sabsan bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa, waxaanu yidhi “Nin carab ah ayaa gabyey oo sheegay inuu doonayo inuu dhaafo jiilkii ka horeeyey oo uu keeno waxaanay keenin, isaga oo gabaygiisa uu ka mid ahaa ‘waxaan doonayaa inaan keeno waxaanay keenin dadkii hore’, markaad gabaygaa ninka Carabka tiriyey eegto wuu ka dhabeeyey Jaamac Muuse Jaamac oo waxa uu keenay waxaanay jiilkii hore keenin oo  hore looma aqoon bandhiga caalamiga ah ee  Buugta Hargeysa”.

Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah Hal-abuur da’yar, isla markaana curisay Riwaadii gabo gabada sanadkan lagu soo bandhigayey ayaa hadal kooban madasha ka jeedisay, waxaanay sheegtay inay farxad u tahay inay dalkeeda ku joogto nabad, iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Farxad ayey ii tahay inaan nabad dalkayga ku joogo, waxaanan halkan ka salaamaya macalinkayga Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraaw)”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.