WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 22, 2012 (Saxafi) – Munaasibad ay xilka ku kala wareegayeen wasiirka Cusub iyo Wasiirkii hore ee Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland, oo u dhacday sidii qaab Aroos oo kale, ka dib markiii lagu casuumay Dumar iyo Dhalinyaro aad u badan oo gaadiid lagu keenay.

Xafladan ka duwan qaababka xil wareejinta masuuliyiinta ee labadan wasiir xilka ku kala wareegayeen ayaa ka dhacay Hoolka Guriga shaqaalaha ee magaaladda Hargeysa, waxaana xafladaasi ka soo qaybgalay Wasiirka Ganacsiga, Wasiir Ku xigeenka Waxbarashadda, Maareeyaha Ha’yadda wadooyinka SRA , Maareeyaha wakaaladda Biyaha, Xidhibaano ka tirsan Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladda, xidhiidhadda kala duwan ee ciyaaraha iyo dhalinyaro tiro badan iyo marti-sharaf kale.

Wasiirkii hore ee dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Cabdi Siciid Faahiye, ayaa ku faanay mudadii uu xilka joogay shaqadii adkayd ee tartanka ciyaaraha gogbolada oo uu qabtay, kaasoo uu sheegay in hawl adag iyo geesinimo balaadhan uu ku sameeyay una badheedhay arrimo adag.

SomlegalAds

 “Markii Wasiirnimadda Baarlamaanka la ii ansixinayay, waxaan balan qaaday inaan qaban doono tartanka ciyaaraha goboladda. ILAAHAY mahaddii anigoo laba bilood oo qudha xilka hayay ayaan qabtay tartankii ciyaaraha goboladda ee ka qabsoomay Burco. Waxaana dhacay wax aan hore u dhicin aad iyo aadna waan ugu faraxsan nahay, Anigoo aad ugu faraxsan 100% inaan xilka ku wareejiyo saaxiibkay oo walaalkay ahaa Md. Cali Siciid Raygal oo ahaa markii aan xilka la wareegay raggii garabka ii ahaa, inuu maantana xilkii igala wareego. Waxaanu qirayaa wixii aan qabtay. Waxaan leeyahay wasiirnimadaydii meel fog lama geynin maadaama oo aan ku wareejinayo saaxiibkay. Madaxweynahana sharaf iyo ammaan ayaan u hayaa intii aan la shaqaynayayna waxaan ka sheeganayaa ammaan iyo gobanimo. Waxaan qabaa xilku waa meerto is bedelka uu nagu sameeyayna waan ku faraxsan nahay. Anigu dawladda ayaan ka tirsan nahay xisbiga Dawladda ayaan sidii uga tirsan nahay, shaqada qaranka ee banaan ayaan qabanayaa”ayuu yidhi wasiirkii hore Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlayey waxyaalihii u qabsoomay iyo sida uu u arko xil wareejintiisa.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Golaha Wasiirraddu ay ansixiyeen siyaasadda dhalinyarada oo uu maantana wareejinayo. Waxaanu ku dooday inuu olale weyn ka galay hawl-galkii dhalinyarada lagaga qaaday dabarkii ka hortaagnaa inay ka qeyb galaan siyaasadda. Waxaanu u mahad celiyay cid kasta oo arrintaasi kala shaqeysay.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay inay dayactir ku sameeyeen qaar ka mid ah Garoomadda ciyaaraha ee goboladda halka kuwo kalena ay qorshaha dhow ugu jirtay in la dayactiro.

Wasiirkii hore wuxuu sheegay inuu xilka kala wareegay sadex xidhiidh oo kuwa ciyaaraha ah, imikana uu wareejinayo lix xidhiidh, kuwaasi oo uu xusay inay qeyb ka tahay qorshaha wasaaradda ee horumarinta ciyaaraha.

Md. Cabdi Siciid Faahiye wuxuu u mahad celiyay waaxda dhaqanka ee wasaaradda oo uu tilmaamay inay ilaaliyaan waajibka qaranka ka saaran wacyigelinta ummadda.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi raaciyay inay dhawaan ku guulaysteen in orodyahano reer Somaliland ahi ka qeyb galaan tartan lagu qabtay dalka Jabuuti isla markaana ay koox kubadda kolleyga ahi ay dhawaan ugu kicitimi doonaan dalka Uganda, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan tartan kubadaha gacmaha ah. “Waxaan maanta (shalay) wasaaradan ku sagootinayaa niyad-sami iyo walaalkay oo shalayna I garab joogay ayaan maantana ku wareejinayaa, waliba waxaan ula diyaar ahay inaan la shaqeeyo oo qaranka wixii ka baylah ahna aan qabto, Marka dhinaca kale la eego waxaan anigu wasiir u ahaa beesha Ciisaha, anigu waxaan u sarifayaa kursigoodii. Waxaan beeshaasi u ahaa wasiir, waxaan u ahaa Agaasime guud, Waxaan u ahaa Wasiir Ku xigeen intaasi oo kaalmood ayaan u hayay. Waxaan leeyahay Madaxweyne beeshayda kuraasida haloo badiyo. Aniguna shaqo kasta oo aad ii qorto waan qabanayaa.”ayuu yidhi wasiirkii hore Faahiye.

Wasiirka cusub ee wasaaradda dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dhaqanka Md.Cali Siciid Raygal oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay wasiirkii hore ee Ciyaaraha oo uu tilmaamay inuu si niyadsami ah ugu wareejiyay, isagoo ka hadlay munaasibad xil wareejinta waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa wasiirkii hore oo ah nin qaaliya oo wax bandanna soo qabtay oo ku guulaystay. Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay iyo wixii uu wasaaradda ka qabtay mudadii uu xilka qaranka hayayba.”

Waxa kale oo madashaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax, oo faahfaahin balaadhan ka bixiyay waajibaadka wasaaradda iyo waxyaabihii ugu qabsoomay sanad iyo badhkii ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Md. Cali Xaamud Jibriil, Abwaan Axmed Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cali Caateeye oo dhammaantood ammaanay wasiirkii hore oo ay ku doodeen in mudadii uu xilka hayay wax badan ka qabtay wasaaradaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.