WorldRemitAds

“Mid baa idin seegay idinka iyo Suldaankiinaba, waxaa idin seegtay waxay ahayd inaad is weydiisaan waar Jabhadan aynu ku soconno. . . ”

“Annagu (Jabhadii SNM) inta aanu maqneyn waad ogtihiin, waa la noo juuqi waayay oo dawlad garmaqaate ah ayaa na heshay. . ”

Cabdiraxmaan Aw Cali, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland

Boorama, Somaliland, November 17, 2015 (Saxafi) – Maleeshiyadii uu hogaaminayey Suldaan Wabar, ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray ciidamada qaranka Somaliland, kadib markii munaasibad soo dhaweyn ah loogu qabtay degmada Abuqays oo ku taala xuduudka Ethiopia iyo Somaliland meel aan ka fogayn Boorama.

Munaasibadda lagu soo dhaweeyay Maleeshiyada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Awdal Mr Ramaax, madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, hogaan dhaqameedka Awdal iyo dadweyne kaley.

89922Waxaa munaasibaddaasi lagu sheegay inay hab nabada ku soo dhammaadeen kacdoonnadii muddooyinkii u dambeeyay ka socday gobolka Awdal oo sababay dhimashada dad iyo dhac hantiyeed ay ka mid ahaayeen gaadiid Somaliland leedahay.

SomlegalAds

Madax dhaqameedkii ka soo qaybgallay soo wareejintasai Ciidanka ayaa sheegay in Suldaan Wabar iskaga baxay dalka, islamarkaana ku laabtay waqooyiga America oo uu hore uga yimid intii aan laga dhigin Suldaan. Isagoo muddo kooban Suldaan ah ayaanu bilaabay inuu galo buuraha isagoo ku doodaya in Somaliland duudsiday xuquuqda bulshada Awdal.

Xubno u hadlay Maleeshiyada oo tiradooda lagu sheegay in ku dhaw 70 ay qoryo sitaan in ka badan 10 ayaa sheegay inay ka tanaasuleen mawqifkoodii ay kaga soo horjeedeen Somaliland, diyaarna u yihiin inay ciidanka Somaliland ku biiraan, waxaana la qorshaynayaa in la siiyo tababaro si ay militariga Somaliland uga mid noqdaan.

Suldaan Xasan ayaa sheegay in maleeshiyadani oo muddo duurka ku jirtay ay ay ka mid noqon donaan ciidamadda kala duwan ee Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Ramaax ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanyahay in waan waan lagu dhameeyey khilaafkii maleeshiyadan, isla markaana maanta (Shalay) laga bilaabo ay ka mid yihiin ciidanka.

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay in xukumadda Somaliland iyo kooxdii Suldaan Wabar ee muddada halka sanno ah ku jiray buuraha Ethiopia iyo Somaliland u dhexeeyaa isu tudheen.

Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa dadka aad uga shaqeeyay in la soo xero galiyo kooxdii Suldaan Wabar.

Waxa uu aad uga mahadceliyay in arrintaasi nabad ku dhammaato, isagoo sheegay inay Suldaan Wabar iyo kooxda raacdayba ay seegtay inay markay baxayeen isaga kala tashadaan jabhadaynta, maadaama uu ahaa mujaahidiintii SNM. Waxa uu sidoo kale sheegay in bixitaankoodu dhaawacay nabaddii iyo aqoontii ay Awdal ku suntanayd, waxaanu yidhi, “Waxaa inaga soo gunaanadmay ama inaga soo dhamaaday khilaaf u dhexeeyay dadka iyo dawladda.

Khilaaf wuu dhacay. . oo Carab iyo labadiisa daanba waa ay is diidaan, maxay taasi u dhacday ma lihin. Khilaaf yimi, Malaga heshiiyay mise lagama heshiin ayaa la is weydiiyaa, Alxamdulilaah. Mudadu inta ay doonto ha qaadato, Annagu (Jabhadii SNM) inta aanu maqneyn waad ogtihiin, waa la noo juuqi waayay oo haddii gar la ogol-yahay waabaanu wada hadli lahayne dawlad garmaqaate ah ayaa na heshay dadabeed toban sano ayay nagu qaadatay inaanu ridno, idinka waa sanad. Waxay taasi muujinaysaa inuu tudhaale jiro in Xukuumaddu tudhaysay, idinkuna aad tudhayseen. Labadiinuba waad ku mahadsantihiin, Xukuumaddu aqbalka, Madaxweynuhu cafiska madaxda gobolada iyo waxgaradka bulshadu ka shaqeyntooda nabadda iyo in arrintani sidaas ku dhamaato waan u wada mahadnaqaynaa, waxaa kale oo mahadmudan. ” “Mid baase idin seegay idinka iyo Suldaankiinaba, waxaa idin seegtay marka reer meel u guurayo waxaa la dirtaa sahan, waxay ahayd inaad is weydiisaan waar Jabhadan aynu ku soconno wax reerkeena ah oo hore u soo arkay ma jiraa. Oo aad tidhaahdaan waar Madaxweyne ku xigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali aynu u tagno wax badan ayaan idinkala talin lahaa oo jabhadayntu hawl-yar maaha oo waan idiin sheegi lahaa. Maantana Alxamdulilaah haddaad soo noqoteen waan idin soo dhaweynaynaa dalkiinii ayaad ku soo noqoteen.

Wax yar ma ahayn wixii dhacay, gobolka Awdal oo ku suntanaa nabadda oo ku suntanaa Xuduntii Somaliland laga aas-aasay, oo ku suntanaa gobolkii wax wadda qabsiga iyo tacliinta waxaa uu isu bedelay intii aad halkaas joogteen meel dhagari taalo, waxaa uu isu bedelay meel cabsiyi taalo, waxaa uu isu bedelay meel khilaaf yaalo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa in halkii ay kaga jiri jireen Awdal iyo Selel dalka iyo kaalintoodii inay qabsadaan” ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamaddan soo galay ayaa ka dambeeyey ka dib markii dawladda Itoobiya cadaadis ku saartay inay xadkooda ka baxaan Suldaan Wabar iyo jabhadiisu, taasina ay keentay in waan waan wada hadal lagu soo xero galiyo, iyadoo Suldaankii hogaaminayey uu isna shalay ka dhoofay dalka Jabuuti.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.