WorldRemitAds

Muqdisho, Soomaaliya, June 22, 2015 (Saxafi) – Dagaal toos ah ayaa isku haleelay kooxda Al shabaab iyo ciidamada dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale,Koox hubeysan ayaa shalay ku Toogatay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, Anwar Xaaji Dayib Haaruun oo ahaa Qasnajigii guud ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia, iyadoo Kooxaha dilkan geystay ay markiiba baxsadeen.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Toogashadan Anwar Xaaji oo ahaa qasnajigii xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa ka hadlay ku-simaha Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Cabdullahi Axmed Jamac Ilka-Jiir, maamulka xafiiska, agaasimayaasha waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha xafiiska Ra’isal wsaaraha, waxay tacsi u dirayaan ehelkii, Asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Anwer Xaaji Dayib Haaruun oo ka tirsanaa xafiiska Ra’isal wsaaraha.

Ugu dambeyn, Anwar Xaaji Dayib – Qasnajigii Maaliyadda ee Xafiiska Raisal wasaaraha Somalia ayaa kooxo hubeysan dileen isagoo isku diyaarinayay inuu shaqadiisa u soo baxo, iyadoo kooxaha dilka geystay aan weli la qaban.

Dhinaca kale, Ugu yaraan Shan qof ayaa ku Dhintay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen xarunta ay ku tababartaan ciidamada sirdoonka dowladda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir.

Weerarkan toos-ka ahaa oo ku billowday Ismiidaamin ayaa waxaa xigtay is-rasaaseyn aad u xooggan oo dhexmartay kooxihii weerarka soo qaaday iyo cidiamada dowladda Somalia.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Somalia ayaa sheegay in saddex ka mid ah kooxihi weerarka soo qaaday lagu dilay halkaas, isgaoo xusay in Xoogagga Al-shabaab aanay u suuro-gelin inay gudaha u galaan xarunta lagu tababaro Sirdoonka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Shibbis oo uu Qaraxan ka dhacay ayaa iyagana laga soo xigtay in weerarka oo qarax ku billowday ay xigeen rasaas, iyadoo ay dadku sheegeen inay arkeen maydadka shan qof oo isugu jiray xoogagii Al-shabaab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Warsaxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xarunta Sirdoonka Somalia ayaa lagu sheegay ciidamadooda ay ka hortageen  inay u suurogelin kooxihii soo weeraray xerada inay gudaha u galaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia Maxamed Yuusuf oo isagana ka hadlay weerarka ayaa sheegay in saddex xubnood laga dilay xoogaggii Al-shabaab, isagoo aan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaadhay.

 “Saddex ka mid ah ayaa lagu dilay weerarka, midkood wuxuu ahaa qofkii waday gaadhiga Ismiidaamiyay, labada kalena waxaa la toogtay iyago isku dayaya inay gudaha u galaan xarunta lagu tababaro ciidamada,” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf afhayeenka amniga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay weerarkaas ku dileen 10 askari oo ka tirsan ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, balse kama aanay hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarka ay qaadeen.

Si kasrtaba ha ahaatee, Weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda Somalia ay sheegtay inay adkeysay amniga guud ee Muqdisho, Al-shabaabna ay sheegtay inay xoojinayso weerarrada ka dhan ah dowladda inta lagu jiro Ramadaanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.