WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, December 17, 2015 (Saxafi) – Shirkii wada-tashiga uga Socday Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey la isku mari lahaa ayaa shalay lagu soo gabogabeeyey, isla markaana lagu heshiiyey in mar kale bisha dambe la iskugu yimaado.

Inkastoo shirkan inuu furmo ay muddo qaadatay, ayaa wax yar kaddib markii uu furmay la soo gunaanaday, waxaana qodobada laga soo saaray ka mid ah; in la sameeyo Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo la isku dheeli tirayo; qaabka lagu soo xulayana ay noqoto hannaanka 4. 5-ka iyo hannaan deegaan.
Shirkii Wada-tashigaSidoo kale, qodobada shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in shir kale la isugu soo laabto 10-ka bisha Janeury ee sanadka 2016, kaasoo lagu qabanayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo laga ambaqaadi doono shirka shalay soo xidhmay.
Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxda dowladda Somalia, madaxda maamul-goboleedyada dalkaas, mas’uuliyiin ka socda gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Waxaanay qodobada shirkaas ka soo baxay oo dhamaystirani u dhignaayeen sidan:
Qodobada la isku waafaqay:
  • Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Federaalka ah.
  • Dhismaha Aqalka sare iyo kan hoose waa in qayb ka ahaadaan hanaanka doorashada ee sanadka 2016
  • Doorashada laba aqal waa in ay ku salaysnaadaan isu dheelitir, qabiil iyo deegaan.
  • In ergooyin doorasho ka qaybqaataan doorashada Xildhiaabanada Baarlamaanka taasoo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada ergooyinku waa in ay kala metalaan qaybaha bulshada, sida haweenka, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.
  • Inay jirto kuraas cayiman oo kamid ah labada aqal oo loo qoondeeyay Haweenka, waa in la tixgeliyaa doorka dhalinyarad iyo dadka laga tirada badan yahay.
  • In la isku raaco qorshe siyaasadeed qeexaya meel-marinta hanaanka doorasho 2016, iyo mid kale oo caddaynaya sidii dalka doorasho hal qof hal cod ah loga hirgelin lahaa sanadka 2020, qorshayaashan waa in ay qayb ka nqodaan heshiisyada ugu danbeeya ee doorashad 2016.
  • Kadib wadatshi ay hoggaamiyaashu ugu noqon doonaan deegaanadooda waa in faahfaahin kama danbeysta ah hannaanka doorasho ee sanadka 2016 iyo qorshe fulineed la isku raaco kulanka lagu qaban doono Kismaayo 10ka January 2016.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.