WorldRemitAds

Caynaba, Somaliland, August 8, 2017 (Saxafi) – Dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba ee caasimadda gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn u soo dhaweeyey wefti uu hoggaaminayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo hawllo la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta ku maraya deegaanno ku yaalla bariga Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga iyo weftiga uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin siyaasiyiin, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, haween iyo dhallinyaro, ayaa ka soo amba baxay magaalada Burco, waxana ka hor intii gaadhin magaalada Caynaba soo dhaweyn loogu sameeyey magaalooyinka Magaalooyinka, Kirir iyo Waadaamagoo, iyaga oo dadweynaha deegaannadaasi muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisa.

Kumanaan kamid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Caynaba oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saraar, cuqaal. Salaadiin iyo haween, ayaa dhinaca Galbeed ee magaalada kaga horyimi murrashax Muuse Biixi iyo Weftigiisa, waxana iyaga oo lulaya caleemo qoyan iyo weliba astaanta xisbiga KULMIYE ay u galbeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in dadweynaha lagala hadlo, waxana halkaas halkaas hadallo soo dhaweyn iyo mahadnaq u badan ka jeediyey xubno tiro badan oo weftiga iyo dadweynaha deegaankaba isugu jira.

SomlegalAds

Cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, aqoonayahanka, haweenka, xildhibaannada iyo dhallinyarada gobolka Saraar oo hadallo ka jeediyey madasha soo dhaweynta weftiga, ayaa ku dheeraaday waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda KULMIYE ka geysatay guud ahaan gobolka, waxana ay shaaciyeen inay dadweynaha reer Saraareed si aan kala hadh lahayn u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay codkooda siin doonaan murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Saraar oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna ku dheeraaday taageerada ay dadweynaha reer Saraareed u hayaan xisbiga KULMIYE iyo sida hagar la’aanta leh ee xukuumadda KULMIYE wax uga qabatay qaybo badan oo kamid ah tabashooyinka gobolka yaalla.

Xubno weftiga ah oo ay kamid yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale, Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey), Cabdikariin Axmed Xinif, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dadweynaha reer Caynaba uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay kala kulmeen, waxana ku bogaadiyeen sida gacaltooyada leh ee ay kusoo dhaweeyeen.

Wasiirka wasaaradda wasaaradaha Hawlaha guud iyo guryeynta Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), Dib-u-dejinta Md. Cali Siciid Raygal, wasiiru-dawlaha caafimaadka Md. Maxamuud Jaamac Galaal iyo wasiiru-dawlaha waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa ka dareenceliyey soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, waxana ay si kal iyo laab ah ugu hambalyeeyeen soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn iyo taageerada laxaadka leh ee ay u muujiyeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dadweynaha reer Caynaba uga mahadceliyey soo dhaweynta ay ku qaabileen, waxana uu sheegay inuu maanka ku hayo xushmadda iyo qaddirta waqtiga badan qaadatay ee ay shacabku ku qaabileen weftiga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.