WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 27, 2015, (Saxafi) – Musharraxii Mansabka madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID ee is casilay ayaa shalay Boorama si diirran loogu soo dhaweeyey.

Cabdirashiid Xassan Mataan ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa Boorama isagoo u ballan qaaday inaanu khasaari doonin codkii lagu soo doortay ee u ku tegey musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku xigeenka.

cxmataan (3)Cabdirashiid oo taageerayaashii soo dhaweeyay kula hadlay khayriyadda Boorama ayaa waxa uu yidhi. ”Aniga iyo Jamaal waxaan u nimid dalka inaan u soo gurmanno, waxna ka qabanno maamul xumadda, musuqa iyo horumar la’aanta waxaanan u halgamaynaa inaan sii wadno dimuqraadiyadda oo qayb ka ah halgankaasi. Waxaan dhallinta tusnay in talada dalka la wada leeyahay loona wada tartami karo. Waxaa dareenkayagu ahaa mid aan ugu gurmanaynno dalkan, maalinba meel ayaanu marayaa. Anigu waan ka soo baxay xisbigii aan musharraxa u ahaa, waxaan uga soo baxay dagaal xisbiga ku socda oo idinka iyo dalkaba ku socda, waxa inala dagaalamaya waa intii aan talada ka sugaynay, laakiin waxay la dagaalamayaan horumarka iyo maamul xumada aan ka gurmanaynno. Waxan Boorama ka bilaabayaa wejigii labaad ee halganka aan ku doonayo inaan dalkan iyo dhallinta sidan loo dhaamo. Codkiinnaa haddaad tihiin dhallinyaradu waan kan wax beddeli doona, waxaanan idiin ballan qaadayaa inaanu khasaarin. Waxaan Boorama u imid wada tashi iyo inaan la tashado wax garadka, odayaasha mutacallimiinta iyo dhallinyarada si aan uga tashanno mustaqbalkeenna iyo mustaqbalka Somaliland”.

SomlegalAds

Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Lagu Tartami Doono Musharaxnimadda Madaxweyne Iyo Cali Gurey Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbigaasi

Is Casilaad Eedi Weheliso Oo Musharaxii Madaxweyne Ku-Xigeenka UCID Is Raaciyay & Jawaabta Faysal Cali Waraabe

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.