WorldRemitAds

Carsigan aynu ku jirno oo lagu tilmaamo qarnigii Muslimiinta dunidu ugu tirada badnaayeen, meel kasta oo aduunka guudkeeda ahna ay diinta Islaamku gaadhay, waxa jira xalaado kala duwan oo ay ku jiraan nolol iyo waayo ahaan, gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadan.

Bisha barakaysan ee Ramadan oo sanadkan 1436 ee Hijriga, kuna beegan 2015 ka Milaadiga ayaa sanadkan ku soo beegantay xiliga xagaaga ee dunida badankeedu ugu kulushahay, heer kulkuna aad u sareeyo.

Meelo badan oo ka mid ah waqooyiga dunidana saacadaha qoraxdu soo jeedo ee maalin-nimo aad u tiro badatay, halka waddamada Pakistan, India, Bangladesh iyo degaano bariga qaarada Eeshiya ku yaalana, dufaano kulayl ah oo aan noocada hore loo arag ku dhufteen dad tiro badana ay ku dhinteen.

SomlegalAds

Haddaba muslimiinta xaaladoodu ugu daran tahay sanadkan ayaa ah, kuwa ku dhaqan cidhifka waqooyi ee dunida, gaar ahaan degaanka qaarada Lama degaanka u badan ee (Arctic), kuwaas oo bisha barakaysan ee Ramadan ku soo beegantay xiliyada aanay habeen iyo maalinba qoraxdu dhicin ama haddii si kale loo dhigo 24-ka saacadood cadceedu dul taagan tahay.

Sida laanta afka carabiga ee telefishanka Russian Today, ku waramay magaalada Norilsk, oo ka mid ah federalka Ruushku, waxa ay ka mid tahay meelaha Muslimiinta dalkaasi ku dhaqan yihiin, waxaanay dadka halkaas ka nooli ka mid yihiin, dadka ugu wanaagsan dhaqanka iyo diinta Islaamka.

Hasa yeeshee sanadkan ayaa bisha barakaysan ee Ramadan u soo gashay, xiliga xagaaga gaar ahaan bilaha Jun iyo July oo aanay afar iyo labaatanka saacadood ee habeenka iyo maalintu ka kooban yihiin qoraxdu ka dhicin.

Muslimiinta Magaalada Norilsk ee dalka Ruushka ayaa si wayn ugu diyaar garooba bisha barakaysan ee Ramadan, waxaanay inta lagu gudo jiro, galaan jawi ruuxaani ah oo cibaadada iyo astaamaha waajibaadka Diiniga ah ee Soonka ku ogaan.

Laakiin waxa sanadkan ay Ramadantu u soo gashay xili qoraxdu dul taagan tahay oo aanay dhacayn, waxay soonka xidhaan iyadoo qoraxdu soo jeedo, waxay afuraan cadceeda oo u muuqata, sidaa si la mid ah ayaanay suxuurtu ugu soo gashaa.

Taraawiixda ayaa la tukadaa wakhti duhur la moodo, ka dibna waxay suxuurta u soo toosaan iyadoo qoraxdu halkii ay kaga seexdeen taagan.

Sida warbixintan Russian Today ka diyaarisay, muujinayso, Muslimiinta Norilsk, ayaa afura tobanka habeenimo marka saacadoodu ku beegan tahay, halka ay haddana ka suxuuranayaan, sadexda habeenimo marka ay saacadu tahay, laakiin mar walba qoraxdu way soo jeeda oo maaha habeen.

In kasta oo awalba ay xaalad jawi oo adag ay ku noolaayeen, duruufaha cimilo ee degaankooduna inta badan ee sanadka baraf tahay, waxa ay ku tukadaan, Masaajid qaab Goobo sida giraanta ah oo kale u dhisan, sababtoo ah, dabaylaha ka dhaca dhulkaas suura gal maaha in masaajid afar gees ama sida caadiga ah u dhisan laga samayn karo.

Waa muslimiinta ugu shisheeya dunida ee ku dhaqan cidhifka waqooyi ee dunida, waxaanu masaajidkoodu noqday kan cidhifka ugu fog ee waqooyiga dunida ku yaala.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.