WorldRemitAds

Iyadoo maalintii khamiistii ee shalay ay kow ahayd bisha barakaysan ee Ramadan, ayaa muslimiinta ku dhaqan daafaha dunidu ay kula kowsadeen xaalado kala duwan iyo saacado kala gadisan, in kasta oo dhamaan muslimiintu ka wada sinaayeen, mar wada soomida bishan oo aan muran iyo khilaaf midna lahayn, haddana waxay aad ugu kala duwan yihiin, sida ay cimilo ahaan iyo nolol ahaan ugu kala duwan yihiin.

Warbixin laga diyaariyay muslimiinta dunida iyo saacadaha ay sanadkan soomi doonaan ayaa lagu ogaaday, in muslimiinta ku dhaqan dalka jasiirada ah ee Iceland ay noqon doonaan kuwa, saacadaha ugu badan sanadkan soomi doona.

Muslimiinta ku dhaqan dalkan aadka u yar ee ka tirsan qaarada Yurub oo tiradoodu lagu qiyaaso ilaa kun qof, ayaa la sheegay in sanadkan ay soomi doonaan, 21 saacadood iyo konton daqiiqo, waxa taasi ka dhigan tahay in sadex saacadood iyo toban daqiiqo oo kaliya ay fursad u heli doonana inay afurnaadaan oo ay wax cuni karaan.

SomlegalAds

Waxa kale oo iyaga laftooda uu soonku bishan barakaysan ee Ramadaan ku dheeraan doonaa, muslimiinta ku dhaqan dalalka Scandinavian ka loo yaqaano ku nool, kuwaas oo maalintu aad ugu dheeraan doonto, sababtuna ay tahay bisha barakaysan ee Ramadan oo ku soo beegantay xiliga xagaaga ee maalintu ilaa sagaal iyo tobanka saacadood tahay.

Muslimiinta dalka Sweden ayaa soomi doona ku dhawaad labaatan saacadood oo buura ah, waxa ku xiga muslimiinta dalalka Denmark, Finland iyo dalalka kale ee waqooyiga qaarada Yurub sida Muslimiinta waddanka Ruushka meelo badan oo ka mid ah.

Sida Muslimiinta qaarada Yurub uu xiliga saacadaha ee ay soomayaan ugu dheeraatay, ayaa sanadihii ugu danbeeyay, ka mid ahaa waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay, waxaana ku kala qaybsamay culimada waaweyn ee Muslimiinta kuwaas oo qaarkood ku fatwoodeen in ay la soomaan Magaalada Barakaysan ee Maka Al Mukara, hasa yeeshe may noqon mid ay isku raaceen.

Dalka Argentina ee konfurta qaarada Amerika ku yaala, ayaa isagu noqday ka wakhtiga ugu yar ama saacadaha ugu tiradda yar, muslimiinta ku dhaqani ay sanadkan soomayaan, waxaanay muslimiinta dalkaas oo iyagu aad uga tiro badan kuwa Iceland ay soomi doonaan sagaal saacadood oo kaliya, gaar ahaan muslimiinta ku dhaqan caasimadda dalkaas ee Buenos Aires.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.