WorldRemitAds
Jimce farxad iyo khushuuc badan leh, oo ka duwan kuwii dhigiisa ahaa ee soo maray, ayay u ahayd mulimiinta Iskiimooska ee degaanka cidhifka waqooyi ee dunida, gaar ahaan caasimadda Iqaluit ee gobolka “Nunavut” oo ah, ka ugu shisheeya dhinaca waqooyi ee dalka Kanada.

Degaanka “Nunavut” oo ka mid ah jamhuuriyadaha ama maamulada madax banaan ee Kanada kuwooda ugu dhulka wayn, ayaa ah mid intiisa badani tahay lama degaan barafku sanadka oo dhan fadhiyo, waxaanu masaafadiisa dhuleed dhawr kilo mitir oo qudha ka yar tahay dalka ugu wayn dunida carabta ee Boqortooyada Sucuudi Arabiya.
Dhulkaas aadka u wayn waxa ku dhaqan dad loo yaqaano Iskiimoos (Eskimos), luuqada maxaliga ah ee dhulkaas lagaga hadlana magacoodu ku yahay,  “Inuit”, guud ahaan tirada dadkaas waxa lagu qiyaasa ilaa todoba kun oo qof, kuwaas oo sideetan qof oo ka mid ahi Muslimiin yihiin.
Jimciyada dib u noolaynta dhaqanka Suniyiinta iyo Salafkii saalaxa ahaa ee dunida, oo fadhigeedu dalka Sucuudi Arabiya yahay ayaa degaankaas ka hir gelisay sadex masaajid, oo ka ugu wayni uu ku yaalo caasimadda gobolkaas ee Iqaluit ee dalka Kanada.
Jimcihii todobaadkan ayaa xaflad wayn oo lagu furayo masaajidkaas oo loogu magac daray, Masjid Al-Aqsa lagu qabtay gudaha masaajidka, gaar ahaan qaybtiisa barashada Qur’aanka Kariimka iyo culuumta kala duwan ee diinta Islaamka.
Waxaana xafladaas ka qayb galay dad tiro badan oo masuuliyiinta sar saree e dalka Kanada ku jiraan, taas oo markii ay dhamaatayna khudbadii iyo saladii Jimcuhu ku xiteen, waxaana ka dhacay halkaas munaasibad ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan duniga guudkeeda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.