WorldRemitAds

Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa sanadkan ku soo beegantay xili dunida inteeda badani ku jirto, wakhtiga xagaaga ee ugu kulul saacadaha maalintuna ugu badan yihiin, oo ah wakhti qoraxdu u iilato waqooyiga dunida.

Meelo badan oo dunida ah ayaa 20-saacadood maalintu noqotay, waxaanay taasi ka dhigaysaa in wakhtiga soonku aad ugu dheeraanayo.

Muslimiinta ku nool magaalada Murmansk ee dalka Ruushka ayaa noqday sanadkan kuwa saacadaha ugu badan soomaya, lagana yaabo inay labaatan saacadood kaga bato soonku, sida la sheegay magaaladan afar iyo labaatanka saacadood qoraxdu kama dhacayso bishan aynu ku jirno ee Jun iyo bisha soo socota ee July.

SomlegalAds

Waxaanay Ramadaantu u soo gashay xili aanay cadceedu ku dhacayn oo habeen iyo maalinba ay dul taagnaanayso.

Muslimiinta Magaaladdaa ku dhaqan ayaa kala qaybsamay sida ay u soomayaan Ramadaankan, waxaana dhacday in qaarkood soomaan 20-saacadood halka qaarna iska daayeen oo ay qorshaysteen in mar kale ay qaleeyaan.

Culimada magaalada Murmansk ayaa go’aamiyay in lagu dhaqmo Fatwo sharci oo Sh. Qardaawi, hore ugula taliyay, taas oo kula talinaysa inay la afuraan meelaha ay isku wakhtiga yihiin ee ay salaadaha wada tukan jireen, taas oo macnaheedu noqonayo, in iyagoo qoraxdu dul joogto ay la afuri karaan, magaalo aad uga fog, oo ay isku tawqiid yihiin oo xiliyada kale wakhtiga salaadu isku mar u soo wada galo.

Fatwadan sharci ee ay heleen Muslimiintaasi waxay fursad u siinaysaa inay waajibaadka Soonka u gutaan si bilaa dhibaato ah oo awooda aadamiga la jaan qaadaysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.