WorldRemitAds

Muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa qaatay talaabo aan laga filayn oo aad uga yaabisay inta badan shacabka ku dhaqan dalka Maraykanka ee diimaha kale haysta. Kuwaas oo figrado khaldan intooda badani ka aaminsan yihiin, dadka muslimka ah iyo diintooda.

Muslimiinta ayaa tobanka danbe ee bisha barakaysan ee Ramadan masaajidada ka bilaabay, qaadhaan ururin lagu caawinayo, kaniisad dadka madow ee dalka Maraykanku lahaayeen oo dhawaan weerar lagu qaaday sideed qof lagu dhex dilay, ka dibna dab la qabadsiiyay.

SomlegalAds

Kaanisada Mt. Zion African Methodist Episcopal Church ee degaanka Greeleyville, oo ka tirsan konfurta Carolina, ayaa gabi ahaanba ku shuf beeshay, dab si ula kas ah loo qabadsiiyay, kaas oo sida la sheegay ay ku gubeen kooxaha cunsuriyiinta Maraykanka ee nacaybka dadka Madowga ahi biyo dhigay.

Kaniisadan oo muddo todoba maalmood ah holcaysay, ayaa ka mid ah kaniisadaha dadka Madowga ah ee diinta Kiristaanka aaminsani ku cibaadaystaan, waxaana sida muuqata jirta dhibaatooyin dhaqaale iyo nololeed oo ku gadaaman dadka Madowga ah taas oo muslimiintuna dareen san yihiin, kuna kaliftay inay tabaruc dib loogu dhisayo kaniisadaa ka bilaabaan Masaajidada.

Ololaha tabaruca dib u dhiska kaniisada Madowga Maraykanka ee Muslimiintu ugu deeqayaan oo loogu magac daray, (LaunchGood), ayaa figradiisa waxa lahayd gabadh muslim ah oo lagu magacaabo Faaduma Umatu Laah, taas oo ka mid ah ardayda wax ka barta jaamacadaha dalka Maraykanka, ka dibna waxa kala qayb galay masaajidada gobolada, Tennessee, North Carolina iyo South Carolina.

Sida warbaahinta Maraykanku sheegtay muslimiinta ayaa tabarucooda kaniisadan durba u ururiyay rubuc malyuun dollar, waxaanay rejaynayaan in kaniisad wanaagsan oo adag ay u dhisaan madowga Maraykanka, ee kaniisadoodan looxa iyo dhirta ka samaysnayd laga gubay.

Warbaahinta dalka Maraykanka oo si wayn uga warantay ololahan muslimiintu ku ururinayaan lacagta dib loogu dhisayo kaniisada, ayaa ku tilmaantay talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday, waxaanay warbaahinta Maraykanku baahisay, mahad naq tiro badan oo Baadariyada iyo ururada kaniisadaha dalkaasi ugu mahad naqayaan Muslimiinta, kuna amaanayaan wanaagooda.

Mid kamid ah baadariyada kiristaanka Maraykanka oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan xarunta horumarinta Muslimiinta Maraykanka, ayaa yidhi, “Waxaan kun jeer u mahad naqayaa muslimiinta Amerika, oo gartay in ay dhisaan kaniisad kiristaanku leeyahay oo la gubay, halka kuwa gubay iyo kuwa diinta kiristaanka dhibaya labaduba kiristaan ka yihiin, waxaan markii hore moodi jiray in Muslimiintu na naceb yihiin, oo in diintayadu dabar go’do ay jecel yihiin, laakiin waxaan ogaaday in ay iyagu (Muslimiinta) naga qalbi fiican yihiin, saamaxaadana nagaga wanaagsan yihiin.” Ayuu yidhi baadarigaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.