WorldRemitAds
Jariirada (The Independent) ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, ayaa daabacday in  Jaamacadda Birmingham ee dalkaas laga helay dhawaan, kitaabkii ugu horeeyay Quraanka Kariimka ee markii la isku jamciyay la qoray, waxaanay jariiradu sheegtay in taariikhda la qoray kitaabkani tahay xiligii khilaafadii ugu horaysay muslimiinta.

Musxaf Kitaabka Quraanka Kariimka ahWaxaanay jariiradu si gaar ah u tilmaantay inay ahayd wakhtigii Khilaafadii Abiibakar Sidiiq, taas oo muddo labo sanadood ah oo kaliya ka danbaysay, xiligii uu Nebi Maxamed (NNKHA), wafaaday, taas oo sida warku sheegayo ka dhigaya kitaabka ugu da’da wayn Quraanka Kariimka ee dunida yaala.
Kitaabkan oo sanadkan dhamaadka ah bilowgiisi laga helay jaamacadaas ayaa ah mid sida ka muuqata lagu qoray gacanta, waxaanu u tusmaysan yahay, suurad suurad, sida jariiradu ku warantayna waxa nuqulada imika la helay intooda fiican ee aan googi’in, ku dhan Suuratu Maryam, Suuratu Kaaf Iyo Qaybo ka mid ah Suuratu Ibraahim.
Jariirada The Independent ayaa sheegtay in helista kitaabkan Quraanka Kariimka ahi, dalka Ingiriiska u noqonayso mid qiimo wayn ku soo kordhin doonta, sababtoo ah? Waxa dalkaas hore u taalay, warqad uu Nabi Maxamed (NNKHA) u qoray boqorkii Roomanka, taasoo uu kaga dalbanayay inay diinta Islaamka qaataan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.