WorldRemitAds

“Maaha in col hortii la is eedeeyo, tartankuna waa furan yahay saaxiibadayna waan soo dhawaynaynaa”

Muuse1Hargeysa, Somaliland, October 28, 2015 (Saxafi) Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya inay ku soo baxaan shirka golaha dhexe ee Xisbiga oo loo balamay 10 Nov 2015, ayaa iska leexiyay eedaymo ay dorraad u jeediyeen koox wasiiro iska casiley Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, kuwaas oo ku eedeeyay in loo xidhay xsibiga oo Madaxweyne Siillaanyo ku badhi-furay balanqaadkii ahaa inuu dhex u yahay musharixiinta.

Guddoomiye Muuse Biixi oo la hadlay shalay warbaahinta, wuxuu sheegay in aanay eedayntaa waxba ka jirin, isla markaana ragga eedaynayaa ay yihiin kuwii dawlada maamulayay shantii sanadood ee u danbeeyay, sidaa awgeed aanay jirin meel loogu xidhay tartanka Xisbiga kooto.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, wuxuu sheegay in hawsha Xisbiga ee shirka golaha dhexe ay wadaan hoggaankii xsibiga oo isagu aanu shaqo ku lahayn, isla markaana ay ragga eedaynayaa markii ay arkeen sida hawshu u socoto amaaneen, wuxuuna si adag u sheegay in aanay jirin meel Madaxweynuhu ka sheegay inuu taageersanyahay faq iyo fagaare midna.

SomlegalAds

“Qodobka ah Xisbiga cid baa loo xidhay. Horta golihii la isku dooranayay lama tegin, meel Madaxweynuhu ka yidhi, “cid baan taageerayaa oo cid gaar ah ayaan wataana fagaare iyo faq midna kumaynaan maqal. Anigana wuxuu dhegta ii saaray iyo wuxuu ii sheegay midna ma jiro,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse, wuxuu sheegay inuu ku ducaysto in Madaxweynuhu mar uun taageero, isagoo yidhi, “ Horta waaba Illaahay mahaddii mar haddii maanta ragga qaar leeyihiin Madaxweynaha ayaa adigu(Muuse) wata. Shan sanno ayaanu halkan fadhinayoo anagu qoladii la tuurtuurayay ayaanu ahayn, markaa hadday iyagu xaggan noogu soo riixan waa Illaahay mahaddii, Illaahay ha ka dhabeeyo oo waanu ku ducaysanaynaa inuu Madaxweynuhu na taageero haddaanu helayno, duco ayaanuba fooxa intaa ugu ridnaa haddaanu helayno laakiin, wax alle wax na soo gaadhay oo dareen ahi ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

“Marka loo fiirsado wasiiradii shalay is casilay waxay yidhaahdeen qaarkood, “madaxweynuhu cid buu taageerayaa”. Dadka waxaanu u sheegaynaa inaanan arrintaas hayn mid jirta, Iyaga markii la sii waydiiyay waxay yidhaahdeen nagumuu odhane xan baanu ku maqalay, dee xanna la iskuma eedeeyo.”
Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu ka hadlay tartanka Xisbiga ee shirka golaha dhexe, wuxuu yidhi, “ Xisbigani waa dimuqraadi, waa lagu tartamayaa, in la igula tartamo ayaan ogolahay, horaa la iigula tartami jiray, waa la iga adkaan jiray, marna waan ku guulaysan jiray. Wax ceeb ah ma laha fagaaraha tartanku, qolkan ayuu ahaa kii aan ka lahaa waa la iga adkaaday ee inta xisbiga oo dhammi iga soo horjeestay aan aayar isku dhiibay. Sharaf mooyee xummaanna kama qaadin.

Maaha in col hortii la is eedeeyo, tartanku waa furan yahay saaxiibaday waan soo dhawaynaynaa, xisbiga waa lagu tartamayaa waana u furan yahay, si hufan oo saxaafaddu markhaati ka noqoto oo cid walba oo la doonayaa markhaati ka noqoto ayaanu diyaar u nahay, tartankana xukuumad ahaan iyo xisbi ahaan nin walba wuu helayaaye yaynaan waxaan jirin ku kala yaacin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.