WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 07, 2014 (Saxafi) – Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhawaan uu warbaahinta mariyey guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu guddoomiye Cirro uu ku bogaadinaayo sixitaan uu sheegay in uu ku sameeyey Xeerkii Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee xeer Lr.37/2007 oo ay qaar ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Wakiiladu ay ku eedeeyeen in uu xeerkaas uu wax ku daray.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar ay wax ka waydiisay warbaahinta sida uu u arko hadalka guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,ayaa waxaa uu marka hore sheegay in Muuse Biixi Cabdi ay isagu danbaysay in ay is arkaan wakhtigii ay ka soo wada noqdeen dalka Kenya,sida oo kalena aanay haba yaraatee Taleefana ka wada hadal mudadii ka danbaysay.isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in arrimaha xeerku ay gaar u yihiin Goleyaasha sharci dajinta. “Horta Muuse Biixi Cabdi,waxaa isagu kaayo dambaysay markii aanu madaarka ka soo wada dagnay Adis Ababa,dibna isumaanan arag, taleefana isumaanan dirin, arrintaas uu ka sheegay Saxaafada ama war-saxaafadeedkana waxaan halkan ka sheegayaa in ay tahay arrin aan waxba ka jirin,anigu qiraal aan sameeyeyna ma jirin oo gaf aan sameeyeyna ma jirin, xaal aan bixiyeyna ma jirin sida uu sheegayey. arrinta xeerkuna waxaa ay u taala xeer dajinta xeerka diiwaan galintuna waxaa uu haystaa oo uu maray ma jarahiisii saxda ahaa ama milgahiisii saxda ahaa ee ka dhaxeeya wada shaqaynta labada gole,golaha guurtida iyo anaga wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, way jiraan waraaqo ay ii soo qoreen golaha guurtidu iyo kuwo aan ugaga jawaabay laakiin warkaa Muuse maaha war jira”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sida oo kale isaga oo hadalkiisa sii wata,waxaa uu hadal mal dahan uu u soo qaatay beenta uu Muuse Biixi ka sheegay,waxaana uu yidhi:“Waxaa la sheegayey nin reer Barbera ah oo Geelaha ka tirsanaa oo saaxiibadii la hadlaayey oo arrin uu doonayo in uu asturana ka sheekaynaayey,ayaa yidhi waar bahashu idin dishayee biyo iskaga dara, markaa anigu Muuse Biixi waxaan leeyahay saaxiib dee basha biyo iskaga dar,aniga oo ixtiraamaya, ixtiraam wayna u haya,waxaan leeyahay warka la sheegayo ee masuuliyiintu sheegayaan waa in u noqdaa war la hubo oo la hubiyey oo xaqiiqo ah”.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale uu sheegay in uu aad uga xun yahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee maalmo ka hor ka dhacday Magaalada Barbera,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in uu ka xun yahay xildhibaanadii iyagana ay ciidanka illaalada u ah Cali Waran Cadde ee garaacay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaan magaalada Barbera. “Marka hore waan salaamaya dhamaanba shacbiga,gaar ahaan shacbiga ku nool gobalka Saaxil oo ah gobalkii aan ka soo baxay dhacdooyinkaa ka dhacayey ee ka dhacay Barbera maalmihii ugu danbeeyey iyo shaqaadadaba aad ayaan runtii uga xumahay,waxaan kale oo aan ka xumahay mudanayaasha deegaanka ka tirsan ee dhibaatadu ay halkaas ka soo gaadhay”Ayuu yidhi Cirro

Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa uu sida oo kale uu sheegay in aanay ka Xisbi ahaan aanay marnaba ogalaan doonin in wax dhibaato ah loo gaysto qoyska Ilma Xaaji Cabdi Indha Deero,sida oo kalena aanay ka aqbali doonin in ay iyaguna ay dad kale oo ganacsato ah ay wa dhib ah u gaystaan,waxaana uu xukuumada gobalka iyo ta dhexeba uu ugu baaqay in ay arrintaas ay dabagal xoog ah ay ku samayso isla mar ahaantaan ay si dag deg ah ay arrintaasi u soo afjarto.

“Waxaan leeyahay ma ogalin raalina kama nihin Xisbiga WADDANI-na raali kama aha in Ilma Xaaji Cabdi Indha Deero,loo gaysto dhib ama loo gaysto hantidooda iyo Xoolahooda midna sida oo kale raali kama nihin mana ogalin in Ilma Xaaji Cabdi ay dhib  u gaystaan dad kale oo ganacsato ah,dhamaan waxaan ugu baaqayaa shacbiga gobalka Saaxil in arrinta la dajiyo,masuuliyaduna waxaa ay saarantay dawlada gobalka iyo iyo dawlada dhaxe,dhacdada halkaas ka dhacdayna waxaan soo jeedinayaa in si dag deg ah loo baadho oo si cadaalad ah loo baadho oo cida gafka leh la abaal mariyo,waxaan u soo jeedinayaa in dhamaan dhinacyada ganacsatada ee halkaa ay arrintu ka dhaxaysaa ay u maraan ganacsigooda dariiqa sharciga ah,muwaadiniintuna waa ay u siman tahay,waxaana loo baahan yahay in aan cidina aanay cid ku gafin”Ayuu yidhi Mr:Cabdiraxmaan Cirro

Ugu danbayntiina Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaa uu sida oo kale ugu baaqay shacabka gobalka reer Saaxil in ay arrinta cagaha u dhigaan oo ay is dajiyaan,waxaana uu tilmaamay in aan loo baahnayn in ay cid gaar ahi ay sharciga ay gacmahood ay ku qaadato. “Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan gobalka Saaxil in arrintaas la dajiyo,cidna looma baahna in ay sharciga gacmaheeda ay ku qaadato,oo ay iyadu fushato.Waxaanan sida oo kale aan soo jeedinayaa in arrintaas lagu dhameeyo si sharciga waafaqsan Xukuuduna ay go’aan dag deg ah ay arrintaas ka soo saarto oo shacbiga iyo ganacsatada halkaas muranku ka dhaxeey muranka laga saaro iyada ayaa uu xil ka saaran yahay.Markaa waxaan u soo jeedinayaa shacbiga guud ahaan reer Somaliland gaar ahaana gobalka Saaxil in ay dhamaantood ay arrintaas dhulka dhigaan,nabadana ay ka wada shaqeeyaan,arrintaasna lagu soo celiyo ma jaraheedii,ganacsigana nin waliba isaga oo dariiqa sharciga ah ee uu xaqa u leeyahay maraya in uu ganacsigiisa uu ka ganacsado”Ayuu yidhi guddoomiyaha Xisbiga WADDANI..

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.