WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Musharraxa Xisbiga talada haya ee KULMIYE u doortay Jagada Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maalintii shalay oo ahayd maalintii labaad ee Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas ka jeediyey Khudbad dheer oo uu dhinacyo badan oo kala duwan oo doorashadiisu ka mid tahay, isagoo khudbadaas kadibna Shahaado-sharaf guddoonsiiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo oo ah aasaasihii Xisbigaas, isla markaana uga tanaasulay musharraxnimadiisii mar labaad uu madaxweynuhu xaq u lahaa inuu isku soo taago.
Shirkaas oo uu shalay soo geba-gabeeyay Madaxweynaha Somaliland ahna aasaasihii Xisbigaas, waxa uu Muuse Biixi khudbaddiisa kaga hadlay haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinnimada Somaliland ee 2017-ka waxa uu qaban doono, xidhiidhka beesha caalamka, siyaasadda arrimaha dibedda, gudaha, horumarka adeegyada bulshada, kobcinta garaadka iyo aqoonta dhalinyarada waxa uu ka qaban doono iyo dhinacyo kale.
Khudbadda uu Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE loo doortay ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa iyadoo qoraal ah oo dhammaystiran u dhignayd sidatan:-
“JAMHUURIYADDA SOMALILAND………………
Khudbada Musharaxa Xisbiga Kulmiye:
Mahadnaq:
Madaxweynaha Jamhuuriydda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siiraanyo), Aas-aasihii Xisbiga KULMIYE, Xubnaha Golayaasha Qaranka ee kala duwan, xubnaha sharafta mudan ee Golaha Dhexe marti-sharafta, Dhallinyarada, Haweenka, Ergooyinka Beesha Caalamka, Xisbiyada Qaranka, Saxaafadda, dhammaantiin ASCW.
Kal fadhiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxa aan ka mahad-celinayaa sida sharafta, maamuuska iyo milgaha leh ee aad iigu doorateen in aan Xisbiga KULMIYE, uga qaybgalo tartanka doorashada madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta bisha March 2017 Insha Alla.
Waxa aad isaarteen masuuliyad iyo xil aad u wayn, oo u baahan aragti dheer iyo dadaal xoogan. Waxa aan u arkaa xilkan ammaano iyo masuuliyad culus oo mudaysan, Waan guddoomay masuuliyaddaas iyo ammaanadaas wayn ee aad ii doorateen. Waxa aan ballanqaadayaa in aan ku maamulo ammaanadaas xilkasnimo, masuuliyad iyo hufnaan, aniga oo dhawraya shuruucda iyo qawaaniinta dalka iyo Xisbiga KULMIYE-ba u yaal.
Gogol-dhig:
Xisbiga KULMIYE wuxu u taagan yahay: Midnimo umaddeed, walaalnimo bulsho, Horumar dhaqan-dhaqaale oo baahsan, Cadaalad is gaadhsiisan iyo Hiraal fog.
Innaga oo ka shidaal qaadanayna aragtiyahaas aas-aaska u ah Xisbiga KULMIYE, waxa la innooga fadhiyaa in aan soo bandhigno mabaadiida, hal- abuurnimada, hiraalka iyo aragtida Xisbiga ee ku aadan caqabadaha nololeed, dhaqaale, nabadgelyo, diblomaasiyadeed iyo aqooneed ee qarnigan 21aad ee dalkeena horyaal iyo xalka innooga meel yaal Xisbi ahaan shanta sanno ee soo socda.
Sida aad wada og-tihiin, Xisbiga KULMIYE muddadii uu hayay talada dalka wuxuu gaadhay guulo aad u fara badan oo taariikhda galay. Guulahaas oo ahaa horumar ballaadhan oo aan ku koobnayn dhinacyada dhaqaalaha, dhisida hay’adaha dawladda, fidinta maamulka iyo maamul-daadejinta, arrimaha dibedda iyo xidhiidhada caalamiga ah, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, hirgalinta barnaamiyada dib-u-habaynta nidaamyada maaliyadda, shaqada iyo shaqaalaha, cadaaladda iyo nabad-galyada. Dhammaan guulahaas waxa gadh-wadeen u ahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
DSC_0058Haddaba, iyada oo hal-ku-dhiggeenu yahay, Amni, Horumar, Cadaalad iyo sharciga oo loo sinaado, Xisbiga KULMIYE wuxu dib-u-eegid iyo qiimayn ku samayn doonaa barnaamuj kii siyaasadeed ee xisbigu dalka ku hoggaamin jiray shanti sannadood ee tagay. Golaha dhexe ee xisbiga ayaa diyaarin doona hawshaasi kal fadhigiisa kan ku xiga.
Hiigsiga Kulmiye ee Shanta Sanno ee Socda:
  1. Amniga Muwaadinka iyo Qaranka JSL:
– Xisbiga KULMIYE, waxa uu u arkaa amniga shakhsi ee muwaadinka iyo amniga qaranka, laba arimood oo muhiimada koowaad leh. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE waxa uu masuuliyad wayn iska saari doonaa sugnaanta iyo adkaynta dhidibada amniga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo amniga shakhsiga muwaadinka ah.
– Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in qofka Muwaadinka ah ee Somaliland helo nabad, daganaansho iyo ammaan shakhsi ah. Waa in uu ammaan iyo nabad ka helaa cadaw shisheeye, waa in uu si xor iyo xalaal ah u maamulan karo hawl-maalmeedkiisa isaga oo aan naftiisa u baqayn, sharcigana dhawraya. Dawladdu waxa ay illaalin doontaa xuquuqda iyo nabad ku noolaanshaha shakhsiga ah, kadib marka ay ka nabadgaliso cadaw shisheeye. Waa in muwaadinku dareemaa in uu leeyahay dawlad ilaalinaysa amnigiisa iyo nabadgalyadiisa, cirdigiisa iyo sharaftiisana dhawraysa, sharcigana loo siman yahay madax iyo mijo.
– Xisbiga KULMIYE, waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in muwaadinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay helo amni iyo sugnaan nololeed (Waxa afka qalaad lagu yidhaa – Social Security). Muwaadinka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay, kadib marka uu ka nabadgalo cadaw shisheeye, waa in aanu u dhiman gaajo iyo faqri. Waa in aanu ka war-warin nolol maalmeedkiisa iyo quutal daruuriga qoyskiisa. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu ma aqbali karo in bulshada reer Somaliland qaarna noqdaan aqniyo iyo tujaar is nacday, shanta maal adduunba u dhaleen, qaarna aanay wada helin saddexda wakhti. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay u sahan yihiin bulsho leh tujaar u naxariista bulshadooda iyo bulsho hesha nolol-maalmeedkooda caadiga ah, farxadna kuwada nool. Waa sababta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu u kordhiyeen 150% mushaharaadkii shaqaalaha. Arrintaasi waa bilow ilaa la gaadhayo mushahaar ku filan qofka noloshiisa. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE, waxa uu la iman doonaa siyaasado iyo qorshayaal cad cad oo hirgaliya hiigsiga iyo himilada amniga qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
  1. KOBCINTA DHAQAALAHA
Waxaanu sii wadi doonaa kobcinta miisaaniyadda qaranka iyadoo xooga la saarayo fidinta cashuuraha iyo abuuridda ilo cusub oo dakhli. Weelaynta iyo isku duba ridka kaalmooyinka caalamiga ah.
Sii wadidda xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga suuqa xorta ah, maalgashiga caalamiga (Tusaale, Berbera Corridor), bangiyada iyo adeegyda maaliyada.
Dar-dargelinta barnaamijka dib-u-habaynta maaraynta maaliyadda, iyadoo sare loo qaadi doono hay’daha maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hanti-dhawrka.
  1. Arimaha Gudaha
Waxaanu sii wadi doonaa barnaamiyada kobcinaya tayada shaqada iyo shaqaalaha si shacabwaynuhu u helaan adeeg hufan oo dabboolaya baahiyahooda. Waxaanu xooga saari doonaa dhisida hay’adaha dawladda iyo kobcinta tayada shaqaalaha.
Waxaanu sii wadi doonaa siyaasadda iyo jidka maamul-daadejinta, iyadoo aanu awood u siin doono dawladaha hoose sida ay iminkaba bilaabeen inay bixiyaan adeegyada aasaasiga ah si horumarka iyo koboca dhaqaaluhu uga soo bilaamo heer tuulo iyo heer deegaan.
  1. Arimaha Bulshada
– Waxbarashada:
Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay waxbarasho caamyeesha bulshada iyo in muwaadin kastaa xaq u leeyahay waxbarasho aasaasi ah, balse leh tayo wanaagsan. Xukuumadda Xisbiga KULMIYE waxa ay ka dhigtay waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe lacag la’aan. Arrintani waxa ay kor-u-qaaday heerka wax akhriska iyo wax qorista bulshada Somaliland ilaa 50%. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay sii wadi doonaan dadaalka arrintaas ku aadan. Waxay sidoo kale xoojin doontaa tayada waxbarashada sare ee dalka si aynu uga dhigno dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland kuwo leh karti xirfadeed iyo aqooneed oo sahli kara shaqo galka dhallinyarada JSL ee suuqyada maxaliga iyo suuqa shaqada ee caalamiga ah ba.
Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in qaabaynta qofka muwaadinka ah ee dalka wax u baranaya, kartida shaqo galka qofka iyo horumarka dalku samayn karaa ku xidhan tahay wacnaanta iyo hufnaanta man-hajka waxbarasho ee dalku leeyahay. Hadba inta man-hanka waxbarasho ee dalku hufan yahay oo hilan yahay, ayaa horumarka dalku samaynayaa ku xidhan yahay.
Sidaas darteed, xisbiga KULMIYE waxa uu dib-u-eegis ku samayn doonaa man-hajka waxbarasho ee dhammaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada dalka. Man-hajka waxbarasho ee dalku waa in uu soo saaraa muwaadin mutacalin ah, oo dhisan xirfad ahaan, karti ahaan iyo akhlaaq ahaaba. Nidaamka Waxbarasho ee noocan ah waxa tusaale fiican Jamhuuriyadda Somaliland ugu noqon karta dalka South Korea.
– Caafimaadka
Xisbiga iyo xukuumadda KULMIYE waxa ay rabaan in ay dalka u diyaariyaan adeeg caafimaad oo hufan oo gaadha dhammaan muwaadiniinta dalka, miyi iyo magaalaba. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay ku dadaali doontaan baahinta adeegyada iyo goobaha caafimaadka, iyada oo taas u maraysa in la kordhiyo miisaaniyada ku baxaysa caafimaadka, lana baahi tiro xirfad layaasha caafimaad ee dalka.
– Biyaha:
Sida aad dhammaantiin la socotaan, biyuhu waa nolosha qofka bini’aadamka ah. Helitaanka biyo nadiif ahi waxay sidoo kale hal-bawle u yihiin fayo-qabka iyo caafimaadka qofka. Waa sababta Xisbiga KULMIYE masuuliyad wayn iskaga saaray ballaadhinta iyo dib-u-habaynta nidaamka biyaha caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan dalka. Xisbiga KULMIYE isaga oo dareensan in qarnigan 21-aad baahida biyaha adduunku kor u sii kacayso, waxa uu ku dadaali doonaa in qof kasta oo muwaadin ahi ku helo baradiisa biyo nadiif ah oo ku filan isaga iyo noloshiisa.
– Tamarta (Energy)
Jamhuuriyadda Somaliland wax ay ka mid tahay wadamada hela laydhka (Electricity) ugu qaalisan adduunka. Nolosha iyo xadaarada cusub ee aadamuhu maanta gaadhay waxa hormood u ah laydh. Helitaanka tamar jaban waxa ay horseedi kartaa fur-furnaan dhaqaale iyo koboc iyo fuf cusub oo horseeda bilowga warshadaha yar-yar ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas darteed, xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu isaga oo maanka ku haya muhiimadaas balaadhan ee Tamartu u leedahay horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan horumarka dhaqaale ee uu abuuri karo, waxa ay hirgalin doontaa Xeerka Tamarta ee qaranka oo hadda horyaal Golaha Xeer-dajinta (National Electricity Law). Xisbiga KULMIYE waxa uu sidoo kale mudnaan wayn siin doonaa helitaanka Tamar jaban oo dadka dalkani ay awoodi karaan dhaqaale ahaan.
– Dhallinyarada:
Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waa jiilka soo socda iyo hogaanka berri ee dalkan. Waa mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay, waanna xoog iyo cudud dihin oo dalkeenu nasiib u helay, balse muddan in la jaheeyo, loo dadaalo, mustaqbal ifayana loo abuuro. Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay wacad ku mareen, haddana aan ku celinayaa in aanu Mustaqbal cad, oo la cokan rajo wanaagsan in aanu u abuuro dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland. Cidhib-tirka shaqo la’aanta dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland waa mudnaanta koowaad ee Xisbiga KULMIYE ee shanta sanno ee socda. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE waxa uu dib-u-eegis ku samayn doonaa kartida xirfadeed iyo waxbarasho, waxaana la xoojin doonaa fursadaha ay helaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.
– Haweenka:
Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in haweenka Jamhuuriyadda Somaliland yihiin laf-dhabarta iyo halbawlaha jiritaanka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland. Horumarinta iyo wax-ka-qabashada duruufaha haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku sugan yihiin waa mid ka mid ah arrimaha xisbiga KULMIYE u leh muhiimada koowaad. Sida ay tilmaantay Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, muddadii xilka ay haysay xukuumadda xisbiga KULMIYE, 65% waxa hoos loo dhigay umul-aroorka iyo dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Waa intaas oo loogala sii dhawaado.
Sidoo kale, xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in wada jirka lammaanaha aadamuhu ay horseedi karto guul, badhaadhe iyo mustaqbal iftiimaya. Sidaas darteed, ayaa xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud uga mid-noqdeen xubnihii ugu badnaa abid ee haween ah Golaha Wasiirada. Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee soo socotaana waa ay ka sii kordhin intaa halkaas inshaa Allah.
– Dadka La’ hayb-sooco:
Xisbiga KULMIYE waxa uu baadi-goob ugu jiraa wada-jirka iyo is-xaq dhawrka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku nool. Xisbiga KULMIYE ma aqbalayo kala sarayn mujtamac oo ka jirta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland dhexdeeda, mana aqoonsana in ay jirto kala tiro badnaan bulsho oo ka jirta mujtamaceena dhexdiisa. Wax ka qabashada iyo horumarinta duruufaha nololeed iyo waxbarasho ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan bulshada dulman ee xuquuqdooda kuwaayey hayb-sooc aan xaq ahayn, waa arin mudnaan u leh xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa iman doonta. Xisbiga KULMIYE waxa uu u horseedi doonaa dhammaanba bulshada JSL ku dhaqan sinaan, horumar iyo dhammaystirka xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadin kasta oo dalkan u dhashay.
— Dalkan waa loo siman yahay. Xaq isku mid baa lugu leeyahay. —
– Qabyaaladda:
Xisbiga KULMIYE waxa uu qabaa in qabyaaladda iyo kala qoqobnaanta mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dib-u-dhac iyo caqliyad hoosaysa. Xadaaradaha iyo mujtamacyada duma ayaa ku mashquula qabyaalad iyo kala gurka bulshada wada dhalatay, danta iyo dalkuna ka dhaxeeyo. Xisbiga KULMIYE waxa uu horseed u yahay himilada ah mujtamac mid ah, bulsho qaranimada cisaysa, qabyaaladdana liida. Xisbiga KULMIYE waxa uu u taagan yahay midnimo ummadeed iyo qaranimo saraysa. Si loo xaqiijiyo himiladaasna, Xisbiga KULMIYE waxa uu adkaynayaa xaq-soorka iyo sinnaanta mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland.
– qabyaaladda Maya. Kala Gurka Mujtamacayga Maya.
– Qaranimo sarraysa, Haa –
  1. GARSOORKA iyo Caddaladda:
Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay sii wadi doonaan illaalinta madaxbannaanida garsoorka, tayaynta Guddiga Cadaaladda, Xeer-ilaalinta, Maxkamadda Sare, ahna Maxkamada Dastuuriga ah iyo Maxkamadaha hoose si loo helo bah garsoor oo u madaxbannaan waajibaadkooda shaqo sida ku xusan dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sida ku cad dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa waxa ka go’an sinaanta muwaadiinta Somaliland, illaalinta xuquuqda muwaadinka, xoriyadaha aasaasiga iyo waajibaadka muwaadinka. Waxaan awood buuxda siin doonaa hay’adaha xuquuqul iinsaanka, difaacayaasha xuquuqda Aadamaha iyo ururada bulshada si ay u kor joogaan xaaladaha xuquuqda Aadamaha ee dalka.
Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay sii wadaynaan dibu habaynta diiwaanka dembiga iyo maaraynta kiisaska iyadoo la ilaalinayo xuquuqda Eedaysanaha. Waxa kale oo aanu sii wadi doonaa wanaajinta xaaladda xabsiyadda iyo illaalinta xuquuqda maxbuuska iyadoo xooga la saarayo u helida xabsiyo u gaara dumarka iyo da’yarta.
  1. Siyaasadda Arimaha Dibedda:
Hadafka guud iyo mudnaanta koowaad ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa weeyaan sidii loo dardar-galin lahaa in Jamhuuriyada Somaliland ay noqoto qaran madaxbannaan oo la aqoonsan yahay oo calankeedu ka babanayo fagaarayaasha Beesha Caalamka. Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay diyaarin doonaan Siyaasadda Qaran ee Arimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, waa siyaasadda hagi doonta dhammaan danaha iyo mudnaanta qaran ee khuseeya arimaha dibedda iyo dariiqyada kala duwan ee loo mari doono xaqiijinta ictiraafka JSL.
Sidoo kale, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxa ay aloosi doonaan fagaarayaal iyo shirar waaweyn oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland kaga talo-bixiso diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Arrimaha Dibedda (National Foreign Policy). Shirarkaas waxa la isugu keeni doonaa aqoonyahanka, waxgaradka iyo talo-qabeenka, si loo hufo Siyaasaddaas Qaran ee Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddada Shirweynahaasi iyo diyaarinta Siyaasadaasi Arrimaha Dibeddu waa in talo-qaran laga yeesho dhammaan dariiqyada kala duwan ee lagu xaqiijin karo ictiraafka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo lama taabtaan.
Xisbiga KULMIYE, xukuumaddiisa iyo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland waxay ay gar-naqsi dhaba la hortagi doonaan dhammaan dalalka adduunka, midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
– Xidhiidhka Wadamada Jaarka iyo Beesha Caalamka
Mabdi’iyan iyo Siyaasiyan, Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisu waxa ay aaminsan yihiin in Jamhuuriyadda Somaliland oo madax-banaan oo xor ahi, xidhiidho caalami ah la yeelato bulshada caalamka oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam, wada-jir, dulqaad iyo Khilaaf la’aan (Zero Conflict Policy).
Waxa aan u caddaynayaa shucuubta iyo qaramada la jaarka ah Jamhuuriyadda Somaliland in Xisbiga KULMIYE aaminsan yahay illaalinta nabadgalyada Gobolka Geeska Africa iyo adduunkaba. Waxa adduunwaynuhu la socdaa colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, colaadaha dalka Yemen oo saamayn ku yeelan karta marin biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden) iyo qaxootiga tirada badan ee ka soo firxanaya dalkooda, colaadaha loo caal-waayey ee ka jira dalka Somalia. Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu jirtaa nabadgalyada adduunka kaalin wax-ku-ool ah oo mudan in loo tix galiyo laguna qadariyo.
Xisbiga KULMIYE, waxa uu aaminsan yahay in Somaliland iyo Somalia yihiin laba dal ama qaran oo kala madaxbannaan, balse walaalo ah, oo dadka iskugu xiga. Wax intaas ka hooseeyana aan ku heshiin karin.
Waxa aan cod dheer ugu sheegaynaa Dawladda iyo shacabka Somalia in ay xaqiiqada la noolaadaan, ogaadaana in waxa kaliya ee ummada Jamhuuriyadda Somaliland deeqaa yahay Somaliland oo xor ah oo madaxbannaan. Ninka ku Riyoonaya Soomaali weyn, waxaanu u sheegaynaa in riyadaasi dhimatay, dibna u soo noolaanayn. Soomaali weyn waxa ay ahayd waa midnimada shanta Soomaaliyeed ee geeska Africa oo hadhsada calan kaliya. Ma ay ahayn laba ka mid ah shanta Soomaaliyeed. Haddii la isku keenayo shanta Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, waxaanu u aragnaa nin duulaan ku ah nabada, wada-noolaanshaha iyo jaar wanaaga dalalka Geeska Afrika. Waxaannu u aragnaa nin iclaamiyey dagaal hor leh oo laga huriyo jasiirad la moodka Geeska Afrika ee Soomaalidu dagto iyo xuduudaha dhuleed iyo madaxbannaanida wadamada Geeska Afrika. Jamhuuriyadda Somaliland jiritaankeedu waxa ay astaan u tahay nabad kuwada noolaanshada dalalka Geeska iyo Qaarada Afrika.
Waa sababta Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu wada hadalka ula fureen Jamhuuriyada Soomaaliya ee aynu jaarka nahay. Waxaannu aaminsan nahay wadahadal leh nuxur buuxa iyo aragti dheer, salna ay u tahay nabad kuwada noolaanshaha bulshada Geeska Afrika in ay dan u tahay jaar wanaaga Jamhuuriyada Somaliland oo xor ah iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waxay aaminsan yihiin wadahadalka u socdo si xawli ah, kana soo baxaan go’aamo dhaxalgal ah oo ay u aayaan jiilka soo koroyada ee labada dal, oo ay ugu horayso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida labada dal isku kaashanayaan. Mar kale ayaan ku leeyahay cod dheer, wax intaas ka yar oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland aqbali karto haba yaraatee ma jirto. Bulshada Soomaaliyeed ayaanu u diraynaa farriintaas, bulsahada qaaradaha adduunka ayaanu farriintaas u diraynaa. Waxaannu sidoo kale ka codsanaynaa bulshada adduunka in ay goob-joob ka noqdaan habsami u socodka wadahadalka labada dal.
  1. Siyaasadda:
– Xisbiyada Qaranka:
Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa Axsaabta Qaranka, hanti qaran oo mudan in la kobciyo, lana xoojiyo, haddii ay noqoto dhinaca shuruucda iyo qawaaniinta, dhismaha Xisbiga iyo Xisbinimada iyo kobcinta xirfadlayaasha ka hawl-gala Xisbiyada. Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa in Axsaabta qaranku saamayn togan iyo mid taban ba ku leeyihiin dhismaha iyo horumarka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo higsiga nololeed ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland leedahay maadaama ay Axsaabtu yihiin meel soo saarta siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta qarankan maamula ama mamuli doona.
– Golahayaasha Xeer Dajinta:
Golayaasha Xeer Dajinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dheelitirka awoodaha qaranka ee kala sareeya. Waa Golayaasha sida tooska ah masuulka uga ah dhammaystirka xeerarka iyo qawaaniinta qarankan la rabo in lagu habo. Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in Golayaasha Qaranka laga dhigo Golayaal gudanka masuuliyadooda ka saaran baahiyaha badan ee qarankani qabo. Si taasi u dhacdana, waa in ay noqdaan hay’ado qaran oo dhisan dhan walba. Waa in la dhammaystiro xeerarka iyo qawaaniinta qabyada ah ama aan wali la curin, sida xeerka doorashada Golaha Guurtida.
– Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland:
Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waa sharciga u sareeya xeer ahaan qawaaniinta u dagsan JSL. Waxa aynu wada ogsoonahay in qabyo badan ku jirto dastuurkeena. Qabyada ku jirta Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay saamayn ku leedahay dhammaan xeerarka kala duwan ee loo baahan yahay in ay ka farcamaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul wanaaga sharci ee dalkeenu u baahan yahay.
Sidaas darteed, Xisbiga KULMIYE waxa uu masuuliyad buuxda iska saari doonaa qabyo tirka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka ka farcama dhammaantood si dalkeenu u noqdo sharci ahaan mid sugan oo nabdoon.
– Gobolada Barri:
Xisbiga KULMIYE waxa uu aaminsan yahay sugnaanta xuduudaha dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo wada-jirka ummadeed ee shacbiga JSL, taasina suurtagali mayso inta xuduudaha barri ee Jamhuuriyadda Somaliland ayna sugnay wali. Shacbiga iyo muwaadiniinta ku nool gobolada barri, gaar ahaan Sool iyo Sanaag, waxa ay xaq ugu leeyihiin qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland in uu kafaalo qaado amnigooda, horumarintooda dhaqan dhaqaale ee dhulkaasi.
Ka Musharax Xisbi ahaan, waxa aan balan qaadayaa in aan u hagar baxo horumarka iyo nabadgalyada gobolada barri, sidoo kale in adeega bulshada ee ay dawladdu masuulka ka tahay wada gaadho dhammaan xuduudaha barri ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aan halkan codsi balaadhan uga dirayaa Garaadada, Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Talo-qabeenka Gobolada Sool iyo Sanaag Barri in ay igala shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka gobolada Barri. Waxa aan ugu baaqayaa in sidii shacabka Jamhuuriyadda Somaliland caadada u ahayd nabad lagu dhammeeyo dhammaan tabashooyinka shacabka gobolada barri.
Gunaanad:
Ugu dambayntii, waxa aan halkan baaq uga dirayaa mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban nooga maqnaa maalmahan dambe. Waxa aan leeyahay wada-jirka iyo is-kaashiga ayaa horseedi kara horumar Xisbi.
Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii, waa Xisbi qaran oo xoog badan, oo dhismay oo ku taabo galay tacab kiinii, Khilaafku waa sunaha siyaasada waxaanu la socdaa nolosha aadamaha guushu se waxay ku jirtaa xalinta khilaafka sidaa darted waxan soo jeedinayaa in aynu isu nimaadno ka wada hadalo wixii jira kana heshiino, ku soo dhawaada Xisbigiinii oo idin jecel. Waad mahadsan tihiin.” Sidaa ayuu Muuse Biixi ku yidhi Khudbaddan uu ka jeediyey Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.