WorldRemitAds
Wakaalada sahaminta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee NASA, magaceeda loo soo gaabiyo, ayaa xaflad ay xarunteeda ku qabatay oo ay ku sharfayso caalimkii Muslimka ahaa ee cilmiga Juqraafiga dejiyay, aasaaskiisana loo tiriyo, kaas oo dunida badankeedu aanay garanayn.

Wakaalada Sahaminta hawada sare (NASA), ayaa sidoo kale buraleyda Meeraha Pluto, ay sahamintoodi ugu danbaysay kaga heshay, ugu magac dartay caalimkaas Muslimka ahaa.
Maalintii Jimcihii todobaadkan ayay (NASA), soo bandhigtay, sawirada silsilad Buuraley ah oo dhererkeedu siddeetan km gaadhayo, oo dayax gacmeedkooda New Horizon ee muddada sagaalka sanadood ah, baadhitaanada sahaminta ah ka wada meeraha Pluto uu qaaday sawiradooda.
Buuraleydan ayaa ah kuwo aad ugu muuqaal dhow, degaanada cidhifka waqooyi ee dunida, gaar ahaan goobaha buuraleyda iyo barafka dhagaxoobay iska galaan.
Al IdirisiAL-Idrisi, waa magaca ay silsiladaa buraleyda ah ee meeraha Pluto laga helay ay (NASA), ugu magac dartay, waxaanu magacani ahaa kii loo yaqaanay caalimkii muslimka ahaa, ee sidaan hore u sheegnay isagu dejiyay, cilmiga juqraafiga ee barashada aqoonta dhulka iyo qaybihiisa kala duwan.
Caalimkan oo aynu magaciisa iyo tafiirtiisi carbeed xaga danbe ku qori doono, ayaa ahaa ninkii dunida baray, lakabyada dhulka, waxaanu si qoto dheer sharaxaad mug leh ugu sameeyay, aadamigana u baray, qaab dhismeedka buuraha iyo dooxyada.
Caalimkan muslimka ahaa ayaa ka mid ah dadka sida wayn dhaxalkii cilmigooda waddamada Reer Galbeedku uga faa’iidaysteen, waxaana ka mid ah kutubtii uu qoray “Roger” oo ah ka ugu caansan, wakhti badana ay reer Yurub qarin jireen.
Kitaabkan oo ka mid ah kuwa UNESCO, u diiwaan gelisay dhaxalka aadamaha, waxa qaybtiisi labaad qoray oo khubaro reer Yurub ah, kuwaas oo ku maamuusay boqorkii Jasiirada Siqiliya ee dalka Talyaniga, oo isagu ahaa ninkii magan gelyada siiyay caalimkaas muslimka ahaa, markii dawladii Muslimiinta Undulls ee koonfurta Yurub burburtay.
Magaca caalimkaas oo dhamaystiran ayaa ahaa Abu Abdullah bin Mohammed bin Abdullah bin Idris, waxaanay abtirsiintiisu galaysa Quraysh, Reer Banu Hashim ilaa Hasan ibn Ali, Bin Abi Talib.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.