WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 17, 2018 (Saxafi) – Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Aareeye ayaa xukuumadda Kulmiye ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sifeeyay mid ku hafatay qorsheyaashii loo doortay.

Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in cafiska uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u fidiyay maxaabiista uu ka reebo Boqor Buur Madoow.

SomlegalAds

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Runtii 511 Maxbuus ayuu Madaxweynuhu habeenkii dhaweyd ee ciida cafiyay, mar walba waxa aan is lahaa Buur madoow wuu ku jiraa. Buur Madoow waa nin Boqor ah, oo sharaf leh, wixii lagu xidhay maanta muranba kama taagna, laakiin waxa ay ahayd hadii aanu marka horeba sii daynin 511-ka qof ee uu cafiyay in uu ninka ugu horeeya ka dhigo ayay ahayd Madaxweynuhu sharaf ayaana ugu jirtay” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye oo u waramayay Telefiishanka Eryal.

Mar la weydiiyay bal dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uga baxay waxa uu ku jawaabay “Walaahi waxa iiga baxay la mood, noqonse wayday, waxa aan moodayay dawlad Fag-fag badan, oo markii ay waanu idinka raynay lahaayeen Waddani ahaan, inuu hadhuudhlaha lagu darayo oo uu habaaska na cabsiinayo ayaanu u haysanay, laakiin nimankii Kulmiye oo dhaqaaqiba waayay, wali bur caleen lehba way ka soo durdurin waayeen.

Miisaaniyad yar baa xukuumadii dhamayd loo dhiibay oo ay ku mashquushay, sicir bararkiina halkiisii ayuu marayaa, xukuumadii iyo kuwii yaryaraa ee sarrifleyaashuna way kala roonaan waayeen” ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.