WorldRemitAds

Arrin ka mid noqotay dhacdooyinka ugu layaabka badan adduunka ayaa laga soo wariyay, diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo laga leeyahay dalka Qatar, diyaaradan oo u kala gooshaysay dalalka Qatar iyo Iiraan ayaa markii ay ka haaday dhabaha diyaaraduhu fadhiistaan ee magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar uu qof ka mid ah rakaabkii ku safrayay dawarsi ka dhex bilaabay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxdaa, ninkan diyaarada ka dhex bilaabay dawarsiga, oo dhalashadiisu Iiraani tahay ayaa ka yaabiyay rakaabkii diyaarada ay ku wada safrayeen oo aan u baran cid ka dhex dawarsata diyaaradaha dhexdooda.

Diyaarada dhacddadan layaabka ku noqotay aduunku ka dhex dhacday oo ay lahayd shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sida jariiradu sheegtay ka mid ah diyaaradaha ugu tigidhka qaalisan aduunka, sidaa awgeed aad ayay u adag tahay in qofna ku fekaro in diyaarada uu qof rakaab ah oo miskiin ah ama dawarsanayaa gudaheeda soo geli karo.

Dawarsiga ninkan reer Iiraan ee diyaarada ka dhex bilaabay waxa muuqaal fidiyow ah, telefoonkiisa kaga duubay qof kale oo ka mid ah rakaabka, kaas oo markii uu arkay ninka kiishka sita ee diyaarada kaga dhex yeedhinaya, kamarada telefoonkiisa la raacay, ka dibna shabakadaha xidhiidhka bulshada ku baahiyay, halkaas oo dood wayni ka dhalatay aragtiyo kala duwana laga bixiyay.

Ninkan oo cumaamad midabka madowga ah ee dadka reer Iiraan caanka ku yihiin ku labisan ayaa dawarsiga bilaabay ka hor intii aanay diyaaradu kicin ee ay rakaabku soo korayeen, hasa yeeshee waxa soo dhex galay shaqaalaha diyaarada oo ka qabtay ka dibna fadhiisiyay kursigii tigidhka ugu qornaa ee uu ku safrayay.

Laakiin markii diyaaradu kacday ee ay hawada gashay ayuu mar kale bilaabay, waxaana degdeg u soo dhex galay shaqaalihii diyaarada, kuwaas oo si xoog ah ku fadhiisiyay ka dibna ku xidh xidhay suunka ammaanka ee diyaarada, gaadhna ka qabtay ilaa diyaaradu ka fadhiisanaysay.

Jariirada Daily Mail ee warkan baahisay ayaa su’aal ka keentay sababta ninkan ku kaliftay inuu diyaarada ka dhex dawarsado? Iyo sida loo rumaysan karo in qof ku safraya diyaarada Qatar Airways oo lix boqol oo dollar lacag ka badan tigidhka ku bixiyay uu dawarsi uga dhex bilaabo diyaarada? Waydiimahaas oo jariiradu ku sheegtay kuwo aan ilaa imika jawaab loo hayn, xog badan oo fasiraad ka bixin lahaydna ay ku daboolan tahay ninkan dhawrtaysiga ka dhex bilaabay diyaarada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.