WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 22, 2012 (Saxafi) – Nin magaciisa la yidhaahdo Axmed Timacadde oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Galad Agency, isla markaana ku eedaysan inuu ahaa mukhalaskii raashinkii la musuq-maasuqay ayaa mar labaad magaalada Burco ay ka soo qabteen ciidamada Bileysku, waxaana loo soo dhaadhiciyay sidda la sheega magaalada Hargeysa oo uu hadda ku xidhan yahay.

Ninkan ayuu hore Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) u sheegay in ciidamada Bileyska ee magaalada Berbera qabteen, isla markaana su’aalo la xidhiidha raashinka la musuqay la weydiinayo, hase yeeshee Axmed Timacadde ayaa la sii daayey, iyadoo aan la ogeyn sababta loo sii-daayey.

Axmed Timacade ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay afarta nin ee lagu eedeeyay inay masuulka ka ahaayeen musuqa raashinka deeqda ah ee ay sidday doon ka soo qaaday deeqdan dalka Cumaan, isla markaana siday 1,000Mtn oo caawimo kala duduwan ah, taas oo sida dhokumentigii lagu soo raray sheegayaan mucaawinaddan loogu talo-galay in laga dejiyo magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland.

SomlegalAds

Dhinaca kale, Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee hore ee wasaaradda Dib-u-dejinta, Axmed Cilmi Barre iyo Lataliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, ayaa muddo laba toddobaad ah Maxkamad la’aan ugu xidhan Xabsiga weyn ee Hargeysa, kuwaas oo aan ilaa hadda dacwadooda la geyn Maxkamadda gobolka Hargeysa, hase yeeshee ku xidhan Rumaan ay Maxkamadda gobolka Hargeysa u jartay.

Sida ay Saxafi u sheegeen Qareenada difaacaya Masuuliyiintan, ilaa hadda dacwadooda looma gudbin Maxkamadda gobolka Hargeysa, iyagoo xusay inaanay ilaa hadda jirin wax dambi ah oo ka soo baxay baadhis ay sameeyeen hay’adaha dambi-baadhistu, isla markaana loo sheegay in baadhistii weli socoto. Sidaas darteed waxa ay qareenadani sheegeen inaanay garanayn si wax u socdaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo 10 bishan March 2012, shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Somaliland, isla markaana amray xadhigga masuuliyiintan ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiintan la soo qabtay iyagoo dambi faraha kula jira, kadibna xilka laga qaaday. Hase yeeshee Maxkamadda gobolka Hargeysa oo xadhigooda mar dambe laga soo xalaashaday ayaan ilaa hadda loo gudbin dambiga uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay faraha kula jireen, iyadoo ay dad badanna rumaysan yihiin in xadhigga masuuliyiintani yahay shirqool masuuliyiin xukuumadda Axmed Siillaanyo ka tirsani ka dambeeyeen, gaar ahaan dadka ku dhowdhow masuuliyiinta xidhan ayaa warbaahinta marar door ah ka sheegay in xadhiga masuuliyiintani yahay mid siyaasadaysan oo mu’aamarad ah.

Dhinaca kale guddi isugu jirta Saraakiil Taliska Bileyska iyo Laanta Baadhista Dambiyada oo la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenku u magacaabay baadhista raashinka la musuqay iyo eedaha loo haysto masuuliyiinta xidhan ayaa la sheegay inay socdaal hadda ku joogan magaalada Berbera, kaas oo la sheegay in ujeedadiisu la xidhiidho baadhista raashinka la musuqay, lamana ogga wakhtiga ay baadhistoodani dhammaan doonto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.