WorldRemitAds

Oday waayeel ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa khaatumo wanaagsan ku soo gunaanaday noloshiisa, sida muuqatana ka xumaaday fal tuugo ah oo uu ku xadday lacag kuna kacay tobanaan sanadood ka hor, waxaanu ninkan odayga ahi si wayn uga yaabiyay hawl wadeenada dukaanada, shirkada Sears ee degaanka Seattle ee dalka Maraykanka.

Odaygan oo aan magaciisa la shaacin ayaa subaxnimadii isniintii yimi bakhaar shirkadaasi ku leedahay degaanka Seattle waxaanu u dhiibay warqad galaysan ama envelop si toos ah ugu socota maamulaha shirkadaas.

SomlegalAds

Warqadan galaysan ayaa sida telefishanka King TV- ka soo xigtay hawl wadeen ka tirsan shirkadaas uu odaygani ku soo riday lacag dhan boqol dollar, waxaanu ku dul qoray warqada qoraal uu kaga waramayo sababta uu boqolkan doolar ugu keenay shirkada.

Odaygan ayaa hadalkiisa ku sheegay in dhamaadkii sanadihii afartamaadkii ee qarnigii hore uu dukaankan ka xaday lacag 20 ama sodon dollar aanu u kala garanayn, sidaa daraadeed uu doonayo inuu iska celiyo xatooyadaas oo uu bixinayo lacagtii faa’iido ahaan ay lacagtaasi shaqayn lahayd oo uu bixinayo boqol doolar, shirkada iyo maamulkeedana ka codsanayo inay saamaxaan.

Hawl wadeenka ay kulmeen odaygaas ee u waramay “King TV” oo lagu magacaabo Gary Orenston ayaa yidhi, “Waxa subaxnimadii hore ee isniintii todobaadkan ii soo galay oday da’ ah, oo aad u tukubaya, ka dibna waxa uu gacanta ii galiyay warqad galaysan oo ay ku qoran yihiin, weedho iyo fariin gaar ah, waxa kale oo uu isla warqadaa ku jiray boqol doolar oo lacagta maraykanka ah.” Ayuu yidhi hawl wadeenkaasi.

Si kastaba ha ahaatee odaygani waxa uu cadeeyay sida uu uga xun yahay falkaas iyo saamaxaada uu ka dalbayo cidii lahayd isagoo waliba isku dayay inuu xitaa lacagtii faa’iidada ahayd ee lacagtaasi shaqayn lahayd inuu raaciyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.