WorldRemitAds

Nin dadka badankoodu ku tilmaamaan mucjiso oo u dhashay dalka Brazil, laguna magacaabo, Claudio Vieira de Oliveira, da’diisana lagu sheegay todoba iyo sodon jir, ayaa noqday qof soo jiitay warbaahinta kala duwan ee dalkaas iyo kuwa dunida, taas oo marka laga yimaado abuurkiisa iyo madaxiisa hoos u jeeda ama maqluubka ah, dedaalka uu nolosha ka sameeyay soo jiidatay.

SomlegalAds

Ninkan naafada ah ayaa sababo la xidhiidha hida sidayaashiisa awgeed, qaab dhismeedka jidhkiisu kala dhantaalmay wakhtigii uu caloosha hooyadii ku jiray, waxaana ku dhacay mid ka mid ah xanuunada la kala dhaxlo, oo ku keenay in madaxiisu dhinaca danbe ee qadaadka ama dhabarka u qalibmo, hoosna ugu jeesto, waxa kale oo naafo noqday labada lugood laakiin, waxaas oo dhibaato ahi kamay reebin nolosha.

Nin Madaxiisu Maqluubka U Rogan YahayClaudio oo ku dhashay magaalada .Monte Santo, ee dalka Brazil, waxa uu dhamaystay waxbarashadii dugsiga aasaasiga ah, ilaa dugsi sarana wuu ka baxay, waxa kale oo uu ka qalin jabiyay jaamacada, University of Feira de Santana, taas oo uu ka qaatay shahaadada Master, isaga oo si wayn ugu takhakhusay aqoonta wacyi galinta bulshada.

Claudio ayaa horumarka uu ka sameeyay nolosha iyo mustaqbalkiisa waxa uu inta badan, u tirinayaa, hooyadii oo iyadu la soo halgantay, sida uu sheegayna ka dhego adaygtay waanadii dhakhaatiirtu siiyeen, markii uu dhashay ee ay kaga dalbadeen in cuntada ay ka joojiso, si aan u dhinto iyagoo u sheegay in aanay suura gal ii noqonayn noloshu oo aanan wakhti badan sii noolaan Karin.

Laakiin waxa uu sheegay in Hooyadii ka diiday, kuna dedaashay inay koriso, wax barto lana soo kifaaxdo ilaa uu ka gaadhayay halka uu maanta joogo, taas oo sida uu tilmaamay uu ka noqday nin noloshiisa ku filan, rejo fiicana ka qabo mustaqbalkiisa nololeed.

In kasta oo uu naafo yahay aadna wax walba ugu adag yihiin, socodka iyo dhaq dhaqaaquna dhib ku hayo, haddana uma joojiyo, waxaanu khudbado ka jeediyaa, kulamada waaweyn ee caalamiga ah, gaar ahaan kuwa lagu gorfaynayo arrimaha dhaqaalaha dunida.

Sida dhakhaatiirtu sheegeen waxa ninkan ku dhacay xanuun aad noociisu ugu yar yahay dunida, kaas oo lagu magacaabo afka dhakhaatiirta “congenital arthrogryposis” waana xanuun ka soo farcama hidaha qofka, waxaanu ku keenaa inuu burburiyo hanaanka koriinka lafaha ee qofka.

Claudio ayaa ku shaqeeya wakhtigan la taliyo dhinaca dhaqaalaha ah, waxaanu u khudbadeeyaa tobanaan qof oo ka hawl gala shirkadaha caalamiga ah ee dunida, had iyo jeer waxa uu isticmaala ul uu afka ku qabsado oo sida mooska kaambuyuutarka oo kale uu ugu isticmaalo qoraalka iyo adeegsiga laptop-kiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.