WorldRemitAds
Ciidamada ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa ka yaabay kumanaan qoryaha daran dooriga u dhaca ah, oo ay si kadis ah uga heleen guriga nin eedaysane ah oo ay hubinayeen waxyaabaha uu ka shaqeeyo iyo hawlihiisa ganacsi.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters, ciidamada ammaanka ee gobolka South Carolina ee dalka Maraykanka, ayaa argagax ka qaaday, hubka aadka ugu badan ee ay ka heleen guri uu nin waayeel ah oo ay danbiyo kala duwan ku qabteen, u yaalay, kaas oo sida la tilmaamay ku filaan karaya, hal guuto oo ciidamada Milatariga Maraykanka ah.
Ninkan oo lixdan jir da’diisu kor u dhaaftay, laguna magacaabo, Brent Nicholson, ayaa lix todobaad ka hor, lagu xidhay Waqooyiga Carolina, halkaas oo markii ugu horaysay loo qabtay Ishaarada gaadiidka kala hagta oo uu iyadoo aan fasaxin dhaafay, ka dibna markii la geeyay saldhiga ee la baadhay gaadhigiisa laga helay hub badan iyo daroogo kala duwan.
Ninkan ayaa markii boolisku baabuurkii uu watay ay baadhayeen ay ugu tageen 29-qori iyo 2-boqol oo kartoon ama xidhmo oo daroogada nooca Kookaayiinta loo yaqaano ah, waxa si deg deg ah loogu gudbiyay, maxkamada oo dacwadiisu ka furantay.
Markii warkaasi soo baxay ayaa booliska konfurta Carolina ay iyaguna warqad ogolaansho baadhiseed ah, maxkamada uga qaateen, si ay gurigiisa u hubiyaan, loona xaqiijiyo waxa uu ka shaqeeyo iyo waxyaabaha guriga u yaala.
QoryahaLaakiin booliska iyo baadhayaashii la socday ayaa ka yaabay, oo rumaysan kari waayay, tiradda hubka kala duwan ee ay guriga ugu tageen, kaas oo tirintiisa oo qudhi maalmo dhawr ah ku qaadatay, haddana qorista magacyada qoryaha, mid walba inta rasaas uu qaado, qiyaasta uu wax ka dili karo, meesha lagu sameeyay iyo awoodiisa dagaal ay todobaadyo kala cadayntoodu ku qaadatay.
Shan todobaad oo shaqo adag ay aqoon yahanada hubka ee booliska degaankaasi ku jireen ka dib, waxa la xaqiijiyay in guriga ninkaas laga helay, Shan kun iyo dhawr toban qori oo noocyadoodu kala duwan yihiin, kuwaas oo dhamaantood wada shaqaynaya, loona adeegsan karo, dagaal iyo xaalado ammaan daro abuuri kara.
In kasta oo aan si buuxda loo cadayn waxa uu ninkani ka shaqayn jiray, oo sida la sheegay baadhitaan ku socdo, haddana waxa la rumaysan kari waayay tiradda hubka intan leeg ah ee uu haystay iyo waxa uu rabay inuu ku sameeyo.
In kasta oo hub jacaylku ku badan yahay, kooxaha xag jirka cadaanka ah ee gobolkaas ku badan, haddana marna lama filayn, in hal qof haysan karo hub intan tiradiisu gaadhayso, xitaa haddii uu ganacsade hubka iibsha ahaan lahaa, uma suura galayso sharci ahaan iyo ammaan ahaan inuu intaas oo qor guri sidan oo kale cidlo u ah oo aan dad u soo gurmadaa u dhawayn inuu ku kaydiyo oo uu ku haysan karo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.