WorldRemitAds
Nin Maraykan ah, oo degan gobolka Texas ee dalkaas, ayaa dacwad ka dhan ah shirkada gaadiidka u qortay maxkamadda, waxaanu codsaday inay magdhow hal milyan oo dollar ah, shirkada gaadiidka samaysa dibna u iibisaa ka siiso, sharaf dhaca iyo dhibaatada ammaan daro ee ay u gaysatay.

Sida jariirada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda qortay, ninkan Maraykanka ah oo leh shirkad yar oo ka shaqaysa, oo qaabilsan dayactirka qasabadaha iyo bulaacadaha, oo lagu magaaabo, Mark1, ayaa sida uu jariirada u sheegay, gaadhi uu ku shaqeeyo oo uu ka iibsaday shirkad gaadiidka samaysa oo dheehu ka daatay dib ugu celiyay wakaalada.
Nin Maraykan ah oo GaadhigiisiiWaxaanu doonayay ninkani in gaadhigiisa looga shaqeeyo oo cilad saaris guud ay shirkadu ugu samayso, laakiin waxa uu dhawr todobaad ka dib sawirka gaadhigiisi oo qori Suug ah, la saaray ka arkay telefishanada iyo wakaaladaha wararka.
Ninkan ayaa gaadhigiisa ku sameeyay dayac tir badan oo uu kor ugu qaaday, isbiriinada iyo shakalada, si uu awood badan u yeesho una qaadi karo, taangiyada, waxaanu daaqada kaga qortay, magaca shirkadiisa, adeega ay qabato iyo telefoonada xafiiskiisa.
Ka dibna wuxuu arkay isaga oo qori suug ah inta la saaray, ka dagaalamaya Suuriya oo dagaal yahanada Dacish (ISIS), ay wataan.
Ninkan ayaa sheegay in aanu xidhiidh la lahayn Dacish (ISIS), mana aha qof muslim ah oo diinta Islaamka aaminsan, mana garanayo sida uu gaadhigiisu ku tagay Suuriya ee uu gacanta ugu galay (ISIS), waana sababta uu magdhowga u dalbanayo.
Sida jariiradu sheegtay, wakaalada sirdoonka Maraykanka u qaabilsan ee (FBI)-da ayaa ninkan baadhitaan ku samaysay, waxaan dhawr jeer looga yeedhay xarumaha wardoonka oo wax laga waydiiyay gaadhigiisa.
Sida uu ku doodayo xaaladiisa ammaan iyo sumcadii shirkadiisa ayaa halis gashay, waydiintuna way ku badatay oo aad ayuu uga dhib mutay.
Gaadhigan ayaa sida loo malaynayo shirkadu markii ninkani soo celiyay ay u qaaday dibada Maraykanka gaar ahaana bariga dhexe u dhoofisay, ka dibna sidaa ku iibisay, laakiin waxa laga yaabay sababta loo iibiyay gaadhi magac iyo telefoono shirkadeed leh oo lagu isticmaalayay gudaha dalka Maraykanka.
Sida muuqaalka gaadhigan ka muuqata, waxa wali ku qoran magaca iyo telefoonadii ninkaasi lahaa, oo waxba kamay badalin Daacish ee kaliya qori uun bay saareen, waxaanu ku jiraa shabakadaha ay jihaadka iyo dagaalkooda Suuriya ku xayaysiiyaan, wakaaladaha wararka duniduna ay mar kasta xigtaan.
Jariiradu faah faahin badan may sheegin, waxaanay kaliya ka warantay cabashada ninkaas Maraykanka ah, oo sababo ammaankiisa la xidhiidha aanay magaciisa iyo shirkada uu dacwaynayo midna u baahin, manay sheegin jawaab iyo xidhiidh ay wakaalada gaadiidka ee uu gaadhiga ka iibsaday la samaysay ama ay isaga difaacayso midna.
Xogta gaadhigan laga lahaa Maraykanka ee mulkiilihii lahaa uu telefishanka ka arkay isaga oo ka dagaalamaya Suuriya oo Dacish (ISIS), wadato, ayaa sii xoojinaya tuhunadii dad badani ka qabeen in quwadaha dunida ee dagaalka ka wada bariga dhexe, ay si dadban u caawiyaan kooxaha dagaalka iyo qalalaasaha ka wada.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.