WorldRemitAds

Nin Masiixi ah oo dhalinyaro ah una dhashay dalka Urdun, ayaa sameeyay, talaabo samafal iyo niyad wanaag isugu jirta, ka dib markii uu bisha barakaysan ee Ramadaan si iskii ah u go’aansaday inuu lix boqol oo qof oo masaakiin iyo dadka ka habsaama Afurka Guryahooda uu waddooyinka ula joogsado.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Ninkan Masiixi-ga ah ama kiristaanka ah oo lagu magacaabo, Muctaz Samurah ayaa ah afar iyo labaatan jir, wax ka barta jaamacada Camaan ee dalka Urdun, waxaanu ka mid yahay dadka ugu ladan ama ugu hantida badan dadka ku dhaqan dalka Jordan.

In kasta oo uu Samorah dhigto culuunta siyaasada iyo dublamaasiyada, haddana waxa uu ka mid yahay dadka aadka u jecel samafalka iyo taakulaynta dadka dan yarta ah, waana sababta ku kaliftay in lix boqol oo qof uu maalin kasta diyaariyo afurkooda.

Muctaz Samorah ayaa Bisha Ramadaan jidadka waaweyn ee caasimadda dalkiisa la istaaga, kartoomo biyo qabow ah iyo cuntooyin kala duwan oo uu siiyo, dadka ka habsaama afurka guryahooda, waxa kale oo uu afurka geeya xaafadaha dadka dan yarta ahi ku nool yihiin iyo goobaha istaamada gaadiidka laga raaco ee looga safro gobolada caasimadda ka baxsan.

Sida uu warbaahinta u sheegay waxa uu shaqada diyaarinta afurkan tirada badan diyaarintiisa bilaaba gelinka hore ee maalintii, waxaana ka caawiya shaqaale dhawr ah iyo hooyadii, kuwaas oo saanbuuse tiro badan, baradho la dubay, khudrado kala duwan oo la miiro iyo cuntooyin kala duwan oo uu ugu talo galay, muslimiinta sooman bisha Ramadaan uu ku afuriyo.

Roogag waaweyn ayuu ku goglaa meelaha lagu kulmo ee xaafadaha dadka danyarta ahi degaan, waxa kale oo sidaan hore u soo sheegnay uu istaagaa, ishaarooyinka gaadiidka kala haga, si uu ula kulmo dad ka habsaamay guryahooda oo dhexda loogu eedaamay kuwaas oo uu biyo qabow, timir, sharaabyo la miiray iyo saanbuuse ku hore.

Mar la waydiiyay sida uu shaqadan u arko iyo dareen ahaan waxa naftiisu isugu sheekayso, ayuu ninkan Masiixi-ga ah ee Muctaz sheegay inuu aad ugu farxo, mar kasta oo uu afur ugu deeqo, dad ka habsaamay guryahoodi oo laga eedaamay, gaar ahaan kuwa gaadiidkooda Ishaarooyinka wadooyinku hakiyeen.

Waxa kale oo uu tilmaamay in bisha barakaysan ee Ramadaan uu farxada la qaybsado Muslimiinta, aadna u jecel yahay jawiga Ruuxaaniga iyo iimaaniga ah ee Muslimiintu bishan galaan.

Muctaz ayaa fariinta hawlihiisa samafal laga akhrisan karo mar la waydiiyay, sheegay in dalkiisu ka mid yahay waddamada dadka kala diimaha ahi ku wada dhaqan yihiin, muddo tobanaan qarni ahna ay jaar wanaag iyo wada noolaansho wanaagsani u dhexeeyay, sidaa awgeed uu dareemayo inuu gudanayo waajibaad, walaalnimo, wada noolaansho iyo is ixtiraam aadaminimo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.