WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, March 15, 2012 (Saxafi) — Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux labisnaa dharka ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo isku soo xidhay waxybaaha qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro ninkii qaraxa fuliyay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow guriga uu daggan yahay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaadheen ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ilaalada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo fadhiyay maqaaxi shaaha laga cabo. “Dadka dhintay laba ka mid ahi waxay ahaayeen shacab, sidoo kalena dadka ay soo gaadheen dhaawacyada ayaa waxay ahaayeen shacab, waxayna dhammaantood ku sugnaayeen maqaaxi shaaha laga cabo,” Sidaas waxaa yidhi Col. Cabdillaahi Xasan Bariise oo la hadlaya saxaafadda.

Col. Bariise, wuxuu sheegay inay socdaan baadhitaanno ku aaddan ujeeddada laga lahaa qaraxa, cidda la doonayay in lagu dilo, isagoo sheegay in aanu jirin mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo qaraxaas wax ku noqday.

SomlegalAds

Afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa isaguna sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen saddex qof oo uu ku jiray ninkii Qaraxa geystay. Waxaana goobjoogayaal ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ay sheegeen in ruuxa qaraxa geystay uu muddo ku sugnaa halkaas.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa yaallay dhiig fara badan iyo hilbo dad oo googo’ ah, waxaana sheegtay qaraxan Al-shabaab oo xustay inay ku dileen ciidamo fara badan, iyagoo intaas ku daray in qaraxaasi uu ahaa mid qorsheysanaa.

Dhawaqa qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan Muqdisho, iyadoo uu ku soo beegmay iyadoo dawladda KMG ahi ay sheegtay inay gabi ahaan gacanta ku hayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ku dagaalamayeen xoogagga Al-shabaab oo ku biiray Al-Qaacida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.