WorldRemitAds
Dhacdo aad u layaab badan isla markaana ka mid noqonaysa kuwa ugu arxandarada wayn dunida, ayaa la soo weriyay inuu nin u dhashay dalka Argentine uu ku kacay, una gaystay, xubno ka mid ah qoyskiisa oo uu muddo lix sanadood ah ku ciqaabayay xaaskiisa iyo gabadh ama ilme uu dhalay.

Sida ay ku warameen wakaaladaha wararka dunidu, ninkan oo lix iyo lixdan jir da’diisa lagu sheegay, kuna nool magaalada Mar del Plata, oo afar boqol oo kilometer dhinaca koonfureed kaga beegan caasimadda dalkaas ee Buenos Aires, ayaa boolisku xoog ku galay gurigiisa, ka dibna ay ugu tageen, xabsi kuwa la isku ciqaabo ah oo uu ka dhex samaystay.
Nin Qoyskiisa Xabsi U SamaysatayNinkan oo sababo sharci awgood aan magaciisa loo shaacin ayaa la sheegay in muddo lix sanadood ah uu Qafis bir ka samaysan uu ciqaab ahaan ugu xidhay, xaaskiisa oo sharaarad qabta iyo ilme uu dhalay oo isna kala dhinaasho iyo awood daro dhinaca isku dheeli tirnaantu hayso.
Booliska ayaa xabsi gurigan uu qoyskiisa ku ciqaabo ee uu ninkaasi samaystay ku ogaaday, ama warka laga helay, wiil uu dhalay ninkaasi oo isagu ku nool guri kale kana baxsaday mar hore, kaas oo dacwad uu qortay, sababtay in maxkamada degaankaasi booliska u ogolaato inay gurigaas xoog ku galaan oo ay gudaha ugu dhacaan.
Hooyadan iyo ilmaha ay dhashay ayaa markii boolisku gurigaas xooga ku galeen ay ugu dhex tageen iyagoo xaalad caafimaad daro oo aad u liidata ku jira, waxaana loola cararay cusbitaal si looga daaweeyo dhaawacyo maskax ahaan iyo jidh ahaan ay u qabeen, quudin iyo dib u nafaqayna lagu sameeyo, si ay uga soo kabtaan, nafaqo daro xoog leh oo ay la il darnaayeen markii boolisku helay.
Sida ay wararku sheegayaan, ninkan ayaa xubnaha qoyskiisa ee uu ciqaabta ku hayay, xabsigana u samaystay, siin jiray cuntooyinka Eyda loogu talo galay, waxaanu si joogto ah ugu samayn jiray jidh dil iyo ciqaab joogto ah.
Ninkan ayaa boolisku ka soo qabteen gurigaas uu ku ciqaabayay xaaskiisa iyo ilmaha uu dhalay isaga oo dhex hurda, waxaanu lugaha iyo gacmaha sil silado kaga xidhay labadan qof ka dibna iyagoo sidii wax la del delay ah uu meel hortooda ah hurday marka boolisku soo qabtay, waxaana loo malaynayaa inuu seexday markii uu jidh dilkooda ka daalay.
Sida saraakiil booliska ka tirsani ku warameen, ninkan ayaa si deg deg ah maxkamad loo saari doonaa, laguna soo oogi doonaa danbiyada uu gaystay ee isagoo faraha kula jira lagu soo qabtay, kuwaas oo eedayntoodu u horseedi doonto inuu ku muto xabsi daayin iyo xukuno qal qalafsan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.