WorldRemitAds
Nin waayeel ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa saacad kadib markii xaaskiisu dhimatay oo uu aad u jeclaa, isagoo u murugaysan, sida warbaahintu sheegtay mar kale farxadii iyo yididiiladii nololeed u soo noqotay ka dib markii isagoo ku jira caloolyowgii iyo murugadii geerida loo soo sheegay inuu ku guulaystay hal miyan oo dollar.

Ninkan odayga oo lagu magacaabo, Timothy McDaniel, oo ah lixdan jir waxa uu ku guulaystay bakhtiyaanisiib kaas oo ka helay cadadka lacageed ee aynu kor ku soo sheegnay, waxaanu odaygan oo farxadi saaqday sheegay in aanu waligii ku himiyin inuu lacag intan leeg abaal marin u heli doono, sababtoo ah waxa lacagtii ugu badnayd ee uu abid isagoo aan shaqaynsan uu helay ahayd laba boqol oo dollar sida uu shaaca ka qaaday.
Nin Bakhtiyaanasiib ku guulaystayOdaygan oo ah dirawal ka shaqeeya gadiidka waaweyn ee magaalooyinka iyo gobolada dalkaas wax u kala qaada, ayaa sheegay in xaaskiisu lahayd sababta, oo ay ku dhiiri galisay, waxaanu xusay in xaaskiisu jeclayd lacagta oo aad uga shaqayn jirtay sidii ay lacag badan u heli lahaayeen si carruurtoodu horumar u samayso.
Xaaskiisa oo wadnuhu istaagay ayuu sheegay in iyadiina meel loo diray isna lacag aanu ku talo galin la soo galiyay taasina ay tahay ayuu yidhi, awaamiir meelo kale oo fog ka imanaya oo inoo cadaynaysa in dunidan Illaah Kaliya uu maamulo ayuu yidhi ninkaas odayga ah ee reer Maraykan.
Odaygan oo ka hadlay sida uu lacagtaas kala odhan doono, ayaa sheegay in uu badh guri siisan doono, badhka kalana gaadhi ku iibsan doono, oo sidii uu hore ugu shaqayn jiray ugu shaqaysan doono, waxaanu xusay In ugu horaynta uu muddo todobaad ah nasan doono, xaafadiisuna ku jiri doono casuumad iyo duco xaaskiisi la xidhiidha oo hilibka laga dhergi doono ayuu yidhi, odaygaas oo u waramay wakaalada wararka Maraykanka ee AP.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.