WorldRemitAds

Jariirada Ingiriiska ee Independent ayaa daabacday waraysi gaar ah oo ay la yeelatay, nin saxiib dhow ay ahaayeen Salah Abdel-Salam, oo ka mid ahaa kooxdii weeraradii Jimcihii ee magaalada Paris Fuliyay, waxaanu ninkan oo ay ilaa yaraantii saxiibo ahaayeen ninkaasi uu ka waramay dabeecadii iyo dhaqankii saxiibkii.

Sida jariiradu sheegtay waraysigan ay la yeelatay Abdul Ben Allal, oo saxiib dhow la ahaa Salah Abdel-Salam, ayaa noqonaya mid aad u layaab badan, sababtoo ah waxa uu ninkan ay saaxiibada ahaayeen cadeeyay, wanaaga iyo akhlaaq badnaantii ninkaas weerarada argagixiso nimo loo haysto.

Salah Abdel-Salam oo 27-jir da’diisu ahayd, ayaa ciidamada ammaanka ee dalka Faransiisku baahiyeen sawirkiisa, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii weeraradii 129-qof ku dhinteen ee dalka Faransiiska fuliyay, waxaana sida warbaahintu sheegtay kooxaha amaanka ee dalka Faransiisku ay ku doodayaan, in baasaboorka ninkan iyo maydkiisa ay ka heleen goobtii uu werarka ka fuliyay.

SomlegalAds

Waxaana boolisku ninkaas ay ku dareen dadka loo tuhunsan yahay weeraradan dhiiga badani ku daateen, ee ilaa lixda gobood lagu weeraray, sida wayna u khalkhaliyay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Abdul Ben Allal, ayaa sheegay in saaxiibkii Salax uu ahaa qof aad u edab badan, waxbarashada ku fiican aadna u dedaala, waxaanu sheegay in saaxiibkii jeclaa wadista mootooyinka ama dhug dhugleyada, ciyaarta kubada cagtana aad ugu wanaagsanaa.

Bin Calal, ayaa sheegay in markii uu telefishanka ka arkay sawirka saaxiibkiisi ugu dhawaa dunida, uu qaadan kari waayay, oo maskaxdiisa ay aad ugu adkaatay, inuu garwaaqsado in saaxiibkii Salax Cabdi Salam uu yahay qofka la sheegayaa.

Abdeslam SalahWaraysigan Independent la yeelatay ninkan oo imika degan magaalada Brussels ee caasimada Belgium, waxa uu Bin Calal oo ay ilaa yaraantii saaxiibo ahaayeen Salax sheegay in kulankoodi uug danbeeyay ahaa bil ka hor, wakhtigaas oo ay aad u wada sheekaysteen, wax xag jirnimo iyo is badal ahina aanay ka muuqan.

Waxa kale oo uu ninkani ka waramay, in saaxiibkii ahaa, nin shaqo fiican hayay, hanti ku filan noloshiina uu haystay oo aan warwer iyo xaalad cadho iyo xag jirnimo ku abuurta aanay jirin.

Sida uu ninkani ku waramay, dhamaan dadkii yaqaanay iyo ehelada Salax Cabdi Salam, aad ayay ugu adkaatay, waxaanay galeen xaalad aan caadi ahayn oo taas oo mararka qaar ku dhawaatay inay ku miyir doorsamaan, sida ay ka fikirkeeda iyo wax iska waydiinteeda ugu jiraan.

Sida uu ninkani sheegay ku dhawaad kun qoys oo ku nool xaafada Olympic ee magaalada Brussels oo intooda badani garanayaan, ninkaas kaama rumaysan karayaan in Salax Abdul-Salam yahay qofka loo tuhunsan yahay, inuu ka mid ahaa ragii weeraradii Paris fuliyay, waxaanu yidhi, “Haddii ay jirto meel dadka lagu badalo oo mar qudha, maskaxdooda lagu qabsado uun bay rumaysan karayaan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.