WorldRemitAds

Nin u dhashay dalka Turkiga ayaa miciinsaday telefoonka gurmadka deg deg ah ee arimaha halista ahii marka ay kula soo gudboonaadaan loo qaylo dhaan dirsado ee Booliska. Ninkan oo ku nool dalka Jarmalka ayaa sida la sheegay waxa feedh raaxadda kaga qaaday xaaskiisa.

Sida boolisku sheegeen waxa xaaskiisu kula dhaqmaysay mudo afar sanadood ah cadaawad waxaanay ka kaxaysatay laba caruur ah oo ay isku dhaleen, ka dibna waxay bilowday inay hoosta ka soo xidhato qolka Hurdada isna wuxuu mudo afar sanadood ah deganaa qolka fadhiga, hasa yeeshee markii danbe xaaladu way ka soo dartay oo waxay habeenkii ugu danbeeyay ka dalbatay inuu si dhakhso ah uga guuro guriga si ay uga raaxaysato oo ay nafis uga hesho.

feedhHasa yeeshee markii hadalku ka duulay ayaa dagaal la iskula kacay, ka dibna waxa ay feedh kaga qaaday raaxadda, xiligaas oo dantu baday inuu miciinsado oo la hadlo booliska arimaha deg deg ah loogu yeedho inay ka soo gurmadaan.

SomlegalAds

Inkastoo wakhtiyo badan ay jiri jirtay in haweenku u yeedhaan ama dalbadaan booliska sanadihii u danbeeyay waxa dunidda ka shaac baxday in ragu qaylo dhaan dirsadaan oo booliska la hadlaan ama ka dacwoodaan maxkamadaha ka dib markii haweenku bilaabeen inay gacanta u qaadaan meelo badan ragooda.

Dallal badan oo ka tirsan dunidda gaar ahaan qaaradda Yurub ayaa la sheegay in saadaal ururin laga sameeyay tilmaamayso in 7% ragga ku nooli ay dumarkooda ka cabanayaan. Booliska dalka Jarmalka ayaa intaa ku daray in wakhtigan ninkaas lagu hayo goob boolisku leeyihiin si looga badbaadiyo xaaskiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.