WorldRemitAds

Waxa dhawaan dalka Turkiga lagu qabtay Nuskhad asala oo ah Kitaabka Injiil ee Nebi Ciise (NNKH) ku Soo degay, kaas oo la qoray shan iyo toban qarni ka hor, waxaanu kitaabkani ka waramaya imaatinka Nabi Maxamed Nabad galyo Iyo Naxiirisi korkiisa ha ahaatee, sidoo kale waxa uu ka hadlaya diinta Islaamka.

Kitaabkan oo aan noociisa oo kale hore dunida loogu hayn, waxa uu Markhaati dhab ah ka noqonaya sida diimaha Samaawiga ahi isugu xidhnaayeen iyo sida Yuhuuda iyo wadaadii hore masiixiyiinta ahaa u qariyeen xaqiiqada diinta Islaamka taas oo xaasidnimo ugu wacan tahay sida Qur’aanka Kariimku sheegay.

Wasaarada Arrimaha dhaqanka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in dhawaan ay ku qabteen, kitaabkan koox kiristaan ah oo ka shaqeeya kootoro baanintan qalabka taariikhiga ah, isla markaana lagu hayo imika caasimadda dalkaas eeAnkara.

SomlegalAds

Wasaarada Dhaqanka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in kitaabkani yahay nuskhada asalka ah ee Kitaabkii Injiil ee Nabi Ciise (CS) ku soo degay, kiristaankuna u yaqaanan Injiilka Barnabas hasa yeeshee aanay kaniisadaha u qaadan qaybaha yar ee hore looga hayay, waxaanu kitaabkan oo waxyaabo badani ku dhan yahay daah fur u noqon karaa, ama soo shaac saarayaa arrimo badan oo indhaha ay iska qabtaan, dadka imika ku dooda in ay aaminsan yihiin, kitaabkii Injiil ee Nabi Ciise (CS) lagu soo dejiyay.

Kitaabkani waxa uu meelo badan uga dhow yahay diinta Islaamka, waxaanu xaarantinimaynayaa, khamriga, sinada, beenta, ribada iyo arrimo badan oo diinta Islaamku inaga reebayso, waxa kale oo si cad uu uga hadlayaa in Nabiga u danbeeya aambiyada alle oo lagu magacaabo Axmed uu soo baxayo, kaas oo leh astaamo iyo calaamado lagu garan karo, kuwaas oo ah dhamaan calaamadihii uu nabigeeni Maxamed (NNKHA) uu lahaa.

Kitaabkan oo imika si rasmi ah loo dhigay xarunta maktabada guud ee dalka Turkiga waxa uu ku qoran yahay, biyo dahab, waxaanu ku dhigan yahay luuqada Aramaic ee wakhtigii Nabi Ciise (CS) lagaga hadli jiray, Suuriya ama dhulkii lagu magacaabi jiray Shaam.

Kitaabkan oo markhaati cad u noqonaya diinta Islaamka isla markaana ku qoran luuqadii kiristaanku aaminsan yihiin in diintoodu ku soo degtay wakhtiga la qorayna ku cadahay, waxa la sheegay in qiimihiisu ku kacayo dhawr iyo toban milyan oo dollar, waxa kale oo uu kitaabkani si la mid ah Qur’aanka Kariimka uga waramaya abuurka aadamiga iyo Rusushii Alle soo diray, sidoo kale waxa ku cad in Nabi Ciise (CS) la dheelmiyay oo aanu dhiman, soona degayo ama mar kale dunida ku soo noqonayo, taas oo dadka Islaamku aaminsan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.