WorldRemitAds

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaray in Nuxurka kulamadii uu Belgium ku yeeshay uu ku metelayey Somaliland

Brussels, Belgium, July 19, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaray inuu Somaliland ku matalayay kullankii dalka Somalia loogu qabtay wadanka Belgium. Waxaana uu qiray inuu kulan la yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

SomlegalAds

“Wuu ka dhaartay Farmaajo dagaalka Tukaraq, waanan rumaysanay…” Faysal Cali Waraabe


Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe oo isaga Prof Cali Khaliif Galaydh lagu Arkay dalka Belgium ayaa waxaa uu ku dooday inaanay shirka ka qayb galin“Anagu shirka kamaanu qayb gallin dowladda Somaliland na waa ay qaadacday, laakiin, waxaanu u ololaynaynay mawqifka Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray mar la sii weydiyay su’aashan madaama Somaliland qaadacday waxaa uu yidhi. “Annaga waajib ayaa naga saran, xukuumadda Somaliland na anagaa ku taageeray in aanay tagin, maadaama aan mawqifkeedii la siinin, dalku Somaliland iyo Somalia ayuu ahaa. Haday lix noqdeen iyo haday todoba noqdeen waxba nagama gellin in aanu laba u wada fadhiisano ayay ahayd. Hadii tii la waayay, waanu ku taageeray in aanay tagin. Laakiin, in aanu dabagallo oo xaqayagga doono anagoo xisbi mucaaradda ah oo xil na saran yahay, Cali oo Khaatumo ah oo xil saran yahay, taas ayaanu goosanay” Ayuu yidhi.


“Waanu ka wada hadalay Farmaajo deeqda waxbaanu isla meel dhignay… Faysal Cali Waraabe


Waxaa la weydiiyay kullanka dhexmaray Farmaajo iyo waxaa ay ka wadda hadaleen, waxaana uu yidhi Faysal Cali Waraabe, “Farmaajana waanu la kulanay waxanu ka wada hadalay sidii deeqaha loo qaybsan lahaa, waxaanu kala hadalay siddii dagaalka loo joojin lahaa…waxaanu kala hadalay siddii jawi wanaagsan wada hadalku ugu bilaabmi lahaa, waxaanu ka wada hadalay sidii Soomaalida looga leexin lahaa waddadii lagu jabay ee mid wanaagsan oo nabad u keenna xagoodda sidii aan gacan uga geysan lahayn annagu waa dhisanahaye, arrimahaas oo dhana waan isla afgaranay”

Faysal waxaa la sii weydiiyay in waqti cayiman ay u qabteen wadda hadalkii, waxaana uu yidhi. “Waxaanu ku heshiinay in si dhakhso ah loo bilaabo ayaanu ku heshiinay”

Waxaa la weydiiyay oo kale, maadaama aanay Somaliland ku jirin Somalia in dhaqaalaha lagu ururiyay shirkan ay wax ku leedahay, waxaana uu yidhi. “Soomaali magaca waa ku jirnaa sidii aynu u qaybsan lahayna taladeeda ayaanu geli doonaa…Waanu ka wada hadalay Farmaajo waxbaanu isla meel dhignay…” ayuu yidhi

Sidoo kale waxaa la weydiiyay dagaalka Tukaraq, waxana uu yidhi. “Waanu isla soo qaadnay annigu waan ku eedeeyay waxaan idhi hadii aanad gacan ku lahayna addigaa dhiiri geliyay. Laakiin, wuu ka dhaartay Farmaajo dagaalka Tukaraq, waanan rumaysanay. Arrintaasna inuu doorkiisa ka ciyaaro maadaama Baasaaso iyo Garoowe ay ka tirsan yihiin Soomaalia oo aanay dal kale ahayn, anaguna waanu u sheegnay in aanu mar kasta nabadda diyaar u nahay. Horena colaadi nooga dhaxayn deegaankaas aanu jaarka nahay ee aanu wax badan wadaagno wanaagoodana aanu jecelahay iyo horumarkooda isku aragti ayaananu ka noqonay.” Ayuu yidhi.

Faysal waxaa uu sheegay in arrinta guud ee Qaranimadda Somaliland xukuumad iyo mucaarad laga midaysan yahay. “Waxyaabo ayaanu ku kala duwanahay arragtidda guud iyo Somaliland Ilaalinteedda iskaga mid ayaanu nahay.”

Weftiga Somaliland iyo xubnaha Baarlamaanka Yurub

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif waxaa ay shalay kulan la qaateen Masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Midowga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan James Carver MEP, Stephen Atkinson, Aleksander Pruitt iyo Amb Kaysar Cabdilaahi oo ka hawl gala Baarlamanka Midowga Yurub. Waxaana la sheegay in kulankaas uu ka hadlay Eng Faysal Cali Waraabe ugu horeyn uuna sharaxay Xaalada guud ee Dalka Somaliland ku sugan yahay, Arrimaha Ammaanka, Colaada deegaanka Tukaraq iyo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Nuxurka kulamo
Weftiga Somaliland iyo xubnaha Baarlamaanka Yurub

Waxaa isaguna Warbixin waafi ah halkaas ka soo jeediyay Professor Cali Khaliif Galaydh oo si faahfaahsan uga warramay wada hadaladii u dhexeeyay Khaatumo iyo Xukuumada Somaliland. Waxa uu Professor ku nuuxnuuxsaday in si degdeg ah loo sii Ambo-qaado lana dardar geliyo wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumada iyo Khaatumo.

Xildhibaan Jim Carver, Amb Dacar, iyo masuuliyiintii kala duwanayd oo dhamaantood madasha ka hadlay ayaa weftigu sheegay inay isku waafaqeen in la sii xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Somaliland.

Kulankan waxaa soo diyaariyay Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo hore u ahaa Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland imikana la shaqeeya Baarlamaanka Midowga Yurub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.