WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 16, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Eng Cabdiqani Maxamuud Cateeye ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha wadanka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ali Noyan Coskun

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay dawlada Turkigu ugala shaqayn lahayd horumarinta xabsiyada dalka oo xukuumada Somaliland doonayso inay ka dhigto xabsiyo la jaan qaada xabsiyada caalamka.

SomlegalAds

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya jamhuuriyadda Somaliland Md. ALI NOYAN COSKAN ayaa balan qaaday inay xukuumadda Somaliland ka caawin doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta xirfadaha kala duwan ee maxaabiista, wuxuuna sheegay safiirku inay Keenayaan qalabka farsamada gacanta sida Dawaarka iyo Tuullal kale oo farsammo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.