WorldRemitAds

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa bog u gaar ah, ka samaystay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, oo aanu hore u lahaan jirin, waxaana isla saacado yar ka dib la saaxiibay ilaa boqol kun oo qof, sida wakaaladaha wararka ee dunidu ku warameen.

Sanduuqa ama bogan cusub ee Madaxweyne Barack Obama ka samaystay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayaa aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanku ka soo saaray, bayaan lagu cadaynayo, isla markaana ujeedada uu wakhtigan u furtay Madaxweynuhu lagu faah faahiyay.

Bayaanka Aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka lagu sheegay, ujeedada Madaxweyne Obama u samaystay, sanduuqa ama boga u gaarka ah ee Facebook ay tahay, mid lagu doonayo in xidhiidhka dadweynaha iyo Madaxweynuhu aad isugu soo dhawaado.

SomlegalAds

Sida lagu cadeeyay qoraalkaas, waxa Madaxweynaha iyo bulshadu yeelan doonaan, dood ay ku wada falan qaynayaan wixii aragti ah ee ay is waydaarsanayaan kuwaas oo ay si aan loo dhaxayn u wada hadli karaan, una wada sheekaysan doonaan sida bayaanka aqalka cad lagu xusay.

Bogga Facebook ObamaDhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isaga laftiisu ka hadlay bogan cusub ee uu ka furtay shabakada Facebook, waxaanu sheegay inuu uga dan leeyahay sidii uu qorshayaashiisa muhiimka ah iyo talaabooyinka maamul ee uu qaadayo uu ugu baahiyo, dood iyo aragtidoodana ay isku waydaarsan doonaan shacabka, talooyinka macquulka ahna ay ku kala qaadan doonaan.

Muuqaal fidiyow ah oo uu Madaxweyne Barack Obama ku baahiyay bogiisan cusub oo u muuqda, mid uu ku daah furayo ayuu isagoo dhex socda beerta aqalka cad uu fariin kooban oo uu kaga hadlayo boga u gaarka ah ee uu ka samaystay shabakada xidhiidhka ee Facebook, waxa uu ku yidhi, “Hello, Facebook, ugu danbayntii waxaan samaystay ama yeeshay bog aniga ii gaar ah.”

Waxaan rejaynayaa inaan xidhiidh wanaagsan yeelano guud ahaan muwaadiniinta Maraykan, aragtiyaha iyo doodaha ku saabsan horumarinta waxbarashada iyo daryeelka degaanka aan wada samayno, iyada oo aan cid inoo dhaxaysaa aanay jirin oo aynu si toos ah u wada sheekaysan karno, talaabadan ayaa ah mid la jaan qaadaysa horumarka cilmiga tignoolajiyada ee jiilasha soo socda iyo mustaqbalka da yarta.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay Maraykanka ee isagoo xilka haya, ka qayb gala sanduuqyana ku yeesha shabakado xidhiidhka bulshada ah, oo ka dhaxeeya, waxaana xusid mudan in uu Twitter-ka bog u gaar ah ka furtay bishii may ee sanadkan taas oo uu maalmo yar gudahood uu hal milyan oo saaxiib ku yeeshay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.