WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 8, 2015 (Saxafi) – Oday-dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa Boorama ka soo saaray qoraal ay ku diiddan yihiin musharraxnimada wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Xaglatoosiye ee mansabka musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, kuna tilmaamay inay tahay mid aan dan u ahayn dalka iyo dawladnimada Somaliland.

BooramaQoraalkan oo ay Weriyaha Saxafi ee gobolada Galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, soo gaadhsiiyeen Boqor Cismaan Barkhad Xirsi iyo Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar, ayaa waxay ku yidhaahdeen:

“Annagoo kala ah Boqor Cismaan Barkhad Xirsi iyo Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar, waxaanu u aragnaa Musharaxnimada Wasiirka Caafimaadka Xaglo Toosiye, Gef cad oo siyaasadeed oo la mid ah kii 60-kii lumiyay Xoriyada Somaliland. Lexejeclo badan ayaanu ka qabnaa qaranimada iyo calanka Somaliland, waxase aanu dib isku weydiinay lexejecladaasi miyaanay ahayn mid ku jirta uurka haldoorka reer Somaliland gaar ahaan siyaasiyiinta maanta hoggaanka u haysa ummadda reer Somaliland. Lexejecladan ayaa I xanxantaysay markii aan maalmahan dambe ka ladi waayay Musharaxnimada Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo la sheegay in isaga iyo koox kale oo dabada ka riixaysaa ay damacsan yihiin in ay ka midho dhaliyaan qorshe ay Wasiir Xaglotoosiye ku cimaamadayaan si uu dalkan hogaankiisa u qabsado. Taariikhda marka dib loo raaco waxa ay tahay barta ugu madow ee ummadda reer Somaliland aanay ka gam’in tii 1960-kii markii koonfur calanka la geeyay ee waliba shuruud la’aan aan ku raacnay, taasi oo aan ka dhaxalnay dulmi iyo cadaalad daro badan oo ay ummadda reer Somaliland waayo arag u noqotay dawladihii is xigay ee rayidka iyo milatariga ahaa, si calanka dib loogu soo celiyo oo xoriyadda la unkana ay qaadatay mid dheer oo dhiig ku daatay bara’kac iyo burbur hantiyeedna uu wehelinayay.

SomlegalAds

Waa yaab! Arragti ahaan waxaanu is weydiinaynaa, Wasiir Xaglotoosiye yaa ka damaanad ah in sidii adeerkii Xaabsade aanu Xamar ka degayn oo uu qaranimadeena kor u haynayo, ma hubo midaasi, balse waxa aan ka marag kacayaa in ay musharaxnimadiisu tahay gef kale oo siyaasadeed oo aan la qaadan karin. Haddaba maanta in la cimaamado Wasiir Xaglotoosiye waxa ay la mid tahay khalad iyo gef siyaasadeed oo labaad oo markale ummaddan reer Somaliland taariikhdeeda lagu qorayo. Waa lumin aan laga fiirsan oo lala beegsaday qaranimadii ay ummaddu dhiigeeda u shubtay. Waa baabi’in la baabi’inayo hiigsigii ummaddan. Waa siyaasadihii Turkiga iyo Somalia oo si dadban ummadeena u soo galay, kuna sii wada bohol ay adag tahay sida ay uga soo laabataa. Balse kala fog! Wasiir Xaglotoosiye oo degaanka uu ka soo jeedo calankii Soomaaliya ka babanayo sidee ayaa qaranimadeena loogu gacan gelin karaa.” Arragtidani waxaa ay u gaartahay odayaasha magacooddu ku xusanyahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.