WorldRemitAds

ODAY KA SHEEKEE waa qormo sannadle ah oo uu Axmed Cali Garas (Ma Qaloocshe) kaga hadlo saadaasha sannadka ee cilmi falaga, iyadoo sannadkasta aanu si taxane ah ugu soo baxdo Wargeyska Saxafi.

W/Q; A. A. Garas (Ma Qaloocshe)

SomlegalAds

Waynaan iyo wax ogaantu waxay u sungan tahay Allaheena weyn (SWT), isaga ayuun baa runta og, wax kasta oo aadamuhu odorosaana run maaha ee waa mala-awaal keliya. Adoomihiisa inuu qaarkood wax ogeysiiyaana way dhici kartaa oo sirta Eebbe ma gudhna.

Be the first to know – Join our Facebook page

Haddiiba aynu milicsanno mala-malaynta axwaasha sannadkan. Mooradda dayaxu joogay ahayd dirir bayaxow, monsilka 16, meerihiisuna dhaco Mariikh ama Faraar, maalintuna Salaasa.

Odayadii soo jireenka ahaa odhan jireen waa sannad barako badan, roobabku way badan yihiin, Jiilaalkuna wuu yaraadaa. Roobabka dabayl iyo onkod badan baa lagu arkaa. Runtana Rabbaa og.

Xagga dadka shicibku barako iyo caafimaad qabbaa lagu sheegaa, carruurtu way bataan, dumarka uurleyduna caafimaad-qab bay ku dhallaan oo dhib lama kulmaan.

Sannadkan Madaxweyneyaasha iyo Wasiiradda ayaa dhimasho iyo xannuuno lagu sheegaa, waxaana laga yaabaa Madaxda Waddan Afrika ah inuu qaarkood xaqu helo, Boqoradda Carabta qaarkoodna iyana dhimasho iyo faalig laga soo sheegaa, runtana Rabbaa og.

Axwaasha sannadkan waxaa laga yaabaa in dhiig badani ku daato oo dagaalo waaweyn dawlado ama qoomiyado dhexmaro, siiba wadamada leh Webiyada Biyaha ama Harooyinka, waxaana dhici karta in bilahan hore ee February ilaa April uu dagaalkaasi qarxo.

Meelaha loo filayo inuu ka dhaco galbeedka Itoobiya, Suudaan, Masar, Koonfurta Soomaaliya, dhulka Jubba iyo Shabeelle, Uganda iyo meelaha webileyda ayaa laga yaabaa inuu dagaal degdeg ahi ka qarxo horraanta sannadka.

Dhanka dunida kale way la qabtaa cabsida dagaal oo dhanka bariga dhexe Suuriya, Ciraaq, Turkiga ayaa laga yaabaa in dooxooyinka dagaalo ka dhacaan.

Dhul biyoodka Hindiya iyo Pakistaan u dhexeeya ee Kaashmiir ayaa ku jirta meelaha dagaalka looga baqayo.

Xagga Yurubta galbeed Yukreyn, Romaaniya ilaa Ruushka ayaa iyagana dagaalo looga fadhiyaa, runtana Rabbaa og.

Dhinaca maceeshada ayaa laga yaabaa in sicir-barar ku yimaado, kuwaas oo kac-doono ka dhashaan. Shidaalada ayaa sicir-barar lagala kulmaa.

Xuduudda wadamada ayaa iyagana isku dhac milateri ka dhacaa, baddaha ayaa iyagana laga cabsadaa inuu dagaalo ka dhacaan, runtana Rabbaa og.

Be the first to know – Follow us on Twitter @Saxafi

Inkasta oo sannadkani isugu jiro dabayl, biyo iyo dab, waxa Xidigiyayaashu ka baqo qabaan in haddiiba uu dagaalku dhaco inuu noqdo mid aad u faafa, cabsiddan waxa looga xidiginayaa Meeraha Mariikh oo gelaya godadka lisan iyo laxa kaas oo haddii uu ku negaado godkaa oo uu fadhiisto tiro ka badan kolkiisii caadiga ahaa waa dagaal ma weydo oo waa milaygii ay dhaceen ay qarxaan. Labadii dagaal ee reer Yurub ka dhacay 1914 0 1939, taas oo Alle ha u naxariistee Xaaji Muuse Galaal buugiisa kaga tegay, milaygaa uu Mariikhu yuurursaday godka lisan. Sidaas awgeed bishan todobaad ee soo socota aynu ku beegan yahay godkaas.

 Dhanka kale, sannadkani wuxuu u fiican yahay safradda iyo dadka dhoofsan. Addoontuna dib ayay u haajirtaa guryo noqdaan. Saaxiriintu way dhintaan, ma fiicna dad isku dirka iyo war sheegmada xumi, waana layska dhawraa isku dirka. Reerkaaga iyo shaqadaada waa laga feejignaadaa in laysku kiin diro, maadaama uu sannadkani yahay Maaris. Siyaasaddu horumarin bay samaysaa, siiba dhinacyada milateriga iyo dhoola-tuska, Ruushka iyo Maraykanka ayaa sannadkani wacdaro ka taagnaadaa. Waxa laga yaabaa inay dhacdo laba dayax-madoobaad iyo laba qorax madoobaad oo ku beegan xagaaga.

Sidaas awgeed, sannadkan isbedelkiisu aad buu uga badan yahay amuurihiisa sidaas oo kale ayaa laga filaa waxyaalo aan loo fadhiyin.

Kheyrkiisa Alle hayna siiyee, sharkiisuna ha inaga kaafiyee, waxaa fiican sadaqo in lala baxo kafaaro gudkiisa.

Qur’aan akhris bandanna waa in guryaha iyo magaalooyinkaba laga sameeyaa, toobinkana sannadkan ha layska ilaaliyo, dhiig daadintuna ma fiicna.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.