WorldRemitAds

Lughaya, Somaliland, July 09, 2018 (Saxafi) – Odayaal Iyo Siyaasiyiin ka socda degmada Lughaya ee gobolka Awdal, oo dhowaan Hargeysa ugu yimid inay gurmad uga qaadaan Degmadoodii ayaa ku dhakafaarsan cid ay dhibtooda u bandhigaan.

Magaalada Lughaya oo ka tirsan Gobolka Awdal  ayaa tan iyo markii ay ka dhaceen duufaanadii Sagar galaaftay nolosha boqolaal qof iyo xoolahoodii ayaa weli waxaa ka taagan biyo la’aan laxaad leh.

SomlegalAds

Duufaanadii ka dhacay degmadaasi ayaa gebi ahaanba baabi’iyay nidaamkii biyaha, iyagoo daadkii duufaanadaasi ay qaadeen tubooyinkii biyaha loogaga soo talaalay masaafo ku dhaw 18km. Dhibaatada Biyo la’aanta ah ee halkaa ka taagan ayaa waxa caasimadda Hargeysa u yimmid Odayaal iyo Siyaasiyiin ka socda degmadaas, kuwaas oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka degmadaasi, oday dhaqmeed iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaas oo aanay weli u suurta gelin inay la kulmmaan madaxda dalka. Iyaggoo doonaya in loo gurmado, islamarkaana ilaa hadda baafinaya cid ay arrintaas kala hadlaan oo ka mid ah Xukuumadda iyo laamaha Dawladda, waxaanay la darseen sida ay sheegeen jahawareer ku saabsan mudada ay qaadan doonto inay hellaan madaxda ay u baahan yihiin. Iyaggoo shaki ka qaba in aanay jirin cid diyaar u ah inay hawshaas wax kala qabato. Iyaddoo waqtigan jawiga magaaladaasi ku jirtaa yahay mid kulul oo xaggaa ah, taas oo ku korodhay dhibatadii awalba haysatay, ee ka dhalatay khasaarihii duufaanaddii dhawaan ka dhacay u geysteen oo aan laga soo kaban.

Xubno ka mid ah wakiiladda degmadaasi ayaa sheegay in isku day ay doonayeen inay booyado biyo ah ku gaadhsiiyaan dadkaasi ay waayeen shidaal booyadahaasi lagu shubo dhaqaalena aanay u haynin, waxayna xukuumadda iyo hay’adahaba ka codsadeen in biyola’aantaasi laga soo gaadho degmada Lughaya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.