WorldRemitAds

Oday gaboobay oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa loo aqoonsaday, qofka ugu da’da wayn Caano-Diiqda Adduunka ama dadka caanaha iibsha ee adduunka, gaar ahaan dhinaca labka ama raga, waxaanu odaygani maalmo yar ka hor u dabaal degay sanad guurada 90aad ee dhalashadiisa.

Odaygan oo lagu magacaabo Derek Arch, ayaa muddo 72-sanadood ah, caano diiq ahaa oo ku shaqaysanayay nolol maalmeedkiisana kala soo baxayay, waxaanu noqday sida warbaahinta dalka Ingiriisku sheegtay qofkii ugu da’da waynaa uguna shaqada dheera dhamaan dadka Caanaleyda ah ee dalka Ingiriiska iyo caalamka inta laga xaqiijiyay.

SomlegalAds

Odaygan waayeel ah oo imika da’da ka soo dhacday gabow aad u badana laga dareemayo, waxa uu shaqada caanaha iyo iibkooda bilaabay sanadkii 1943-kii, xiligaas oo da’diisu afar iyo toban jir ahayd, waxaanu laga bilaabo xiligaa ilaa imika ku hawlanaa iibka caanaha oo aanu mar qudha ka dhex bixin, wax shaqo ah oo kalana aanu uga wareegin.

Derek Arch, ayaa aroor walba salaada hore ka shiraaqda gurigiisa ka dibna caano qaybinta ka bilaaba guryaha dadka macaamiisha u ah, kuwaas oo ka hor intaanay toosin uu ku waabariisto, guri walba wuxuu u dhigaa caanaha ay ku balansadeen, ka dibna wuxuu ugu gudbaa guriga xiga, ilaa uu sidaa ku dhameeyo.

Haddana gelinka danbe marka la gaadho ayuu bilaabaa soo ururinta lacagta caanihii macaamiisha uu gelinkii hore u qaybiyay, taas oo mararka qaarkood ku gaadha ilaa wakhti danbe oo habeenkii ah, haddana wuxuu uga gudbaa soo iibsashada caanaha uu maalinta xigta macaamiisha u geyn doono.

Odaygan Caano diiqda aduunka ugu da’da wayn Derek Arch ayaa warbaahinta uga waramay shaqada adag ee uu muddada todobaatanka sano ka badan ku hawlanaa, waxaanu yidhi, “Runtii shaqadani muddada dheer aan ka shaqaynayay, waxa aan ku kasbaday macaamiil iyo dad aanu asxaab qaaliya noqonay, kuwaas oo nolosha iyo shaqada naga dhaxaysaa rafiiq dheer naga dhigtay.”

Isaga oo ka hadlaya culayska shaqadan iyo waayeel nimadiisa waxa uu kaga jawaabay, “Waxaan jeclahay in noloshayda oo dhan aan ku dhamaysto, oo aanan habeen qudha ka nasan sababtoo ah? Ma doonayo inaan guri ku dhex abaado oo aan gabowga isu dhiibo ka dibna cidlo la igu dhaafo sidaana la igu ilaawo, laakiin waxaan doonayaa inaan dedaalo oo aan guntiga dhiisha isaga dhigo, ilaa daqiiqada ugu danbaysa noloshayda haddii ay ii suura gasho.” Ayuu yidhi Derek Arch.

Ugu danbayntii waxa uu ka waramay, dadka ka caawiya shaqadan gaar ahaan xiligan uu gaboobay, “Waxa imika ila shaqeeya wiil aan dhalay oo isaga laftiisu waayeel ah iyo Islaantayda oo 88-jir ah, waxaanay iga caawiyaan, xidhiidhka macaamiishayda iyo xisaabta caanaha oo waayeel nimada awgeed aanan wakhtigan wada xasuusan karayn.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay odaygan oo wakhtiga la waraystay ama uu warbaahinta la hadlayay fuushanaa gaadhiga uu caanaha ku iibsho oo nambarka Sagaashan dusha kaga dhegsan yahay, taas oo astaan u ah dabaal dega dhalashadiisa sagaashanaad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.