WorldRemitAds

Jigjiga, Ethiopia, August 20, 2018 (Saxafi) – Waxaa magaalada London ku kulmay intii u dhaxaysay 17 – 18 August 2018 wufuud ka socota Jabhada ONLF iyo Isbahaysiga Dimuqraadiga ee Gobolka Soomaalida (SRDA), kuwaasoo ka wada hadlay, isla markaana qiimayn ku sameeyay arrimaha siyaasadeed, dhaqaale iyo arrimo bulshadeed ee ka jira guud ahaan Itoobiya, gaar ahaana Deegaanka Soomaalida.

Labada urur ee ONLF iyo SRDA waxay isku af-garteen in dhidibbada loo taago Isbahaysi cusub oo ay ku midaysan yihiin.

SomlegalAds

Labada urur waxay yeesheen kulamo badan oo ay kaga wadahadleen sidii ay awoodooda u midayn lahaayeen, isla markaana u abuuri lahaayeen iskaashi u dhexeeya, si ay u xoojiyaan halganka ay ku difaacayaan danaha shacabka Soomaaliyeed eek u nool Ethiopia sida ay sheegeen, iyo ol-olaha ay ugu jiraan raadinta xuquuqdiisa, oo xaqa aaya-ka-tashigu ugu horreeyo. Waxana lagu yidhi sidan. “Asaasida Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Xorriyadu (SCF) ayaa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray in uu umada Soomaaliyeed u horseedi doona abuurista fursado ay Somaalida Itoobiya ku curin karto nidaam siyaasadeed oo saamixi kara in cid waliba ay si dhab ah u hanato xuquuqdeeda.

Isbahaysigu wuxuu yeelan doonaa Gole Maamul (Governing Council) oo ka kooban madaxda ururrada Isbahaysiga sameeyay iyo xubno ka socda ururrada bulshada ee hoos-yimaada labada urur ee Isbahaysigu ka kooban yahay.

Golaha Maamulku (GC) wuxuu iska dhex dooran doonaa Guddi Fulin (Executive Committee), oo yeelan doonta Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku xigeen. Guddiga Fulintu wuxuu u xilsaaran yahay hawlaha fulineed ee Isbahaysiga, wuxuuna yeelan doonaa Xafiisyo kala duwan, sida Xafiiska Diblumaasiyada, Xafiiska Arrimaha Ururka, Xafiiska Arrimaha Maaliyadda, Xafiiska Xidhiidhka iyo Warbaahinta iyo Xafiisyo kale.

Isbahaysigu wuxuu si niyad-sami ah u soo dhawaynayaa wadaxaajoodyada nabadeed ee ra’iisul wasaaraha cusub ku baaqay, si xal waara loogu helo dhibaatada soo jireenka ah ee dhex-taalla Soomaalida Deegaanka iyo Itoobiya. Isbahaysigu wuxuu dhiirri galinayaa in waddo nabadeed lagu raadiyo xuquuqda ka maqan dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku hoos-jira.

Isbahaysigu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaalida Degaanka inay danahooda u midoobaan, iskaashadaan, oo ku dhegganaadaan halganka ay xuquuqdooda ku raadinayaan.

Isbahaysigu wuxuu si kulul u cambaaraynayaa xasuuqa loo gaystay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna dowlada Itoobiya iyo beesha caalamka ka codsanayaa in cadaalada la hor-keeno dhagar qabayaasha galay dambiyada dagaalka iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadamnimada.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.