WorldRemitAds
Boqorka dalka Kuwait Sheekh Sabax Axmed, oo ka hadlayay weeraro ku lid ah dalka Sucuudi Arabiya oo sida la sheegay dawlada Iran qorshaysay in lagu qaado boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegay in dhibaato loo gaysto Sucuudigu ka dhigan tahay, mid lagula kacay dhamaan muslimiinta Suniga ah ee adduunka oo dhan.

Sheekh Sabaax Bin Axmed ayaa wax xun oo lid ku ah diinta Islaamka iyo wada jirka umada ku tilmaamay, khilaaf Mad-habaysan oo laga abuuro dalka boqortooyda Sucuudi Arabiya iyo meel kasta oo dunida islaamka ah.
NukliyeerkeedaWararka sheegaya in Iran maleegayso shirqoolo ka dhan ah dalka Suuciga ayaa ahaa kuwo muddooyinkii ugu danbeeyay warbaahintu qoraysay, sida la sheegayna laga helay mukhaabaraadka dalka Iran oo si sir ah warkani ugu soo baxay.
Dawlado badan oo Suni ah ayaa iyaguna jawaabo aan rasmi ahayn ka bixiyay, weerar Iran ay ku qaado Sucuudiga waxa uga qorshaysan iyo halista ka dhalan karta.
Dalka Pakistan ayaa isagu hore u shaaciyay, inuu dagaal nukliyeerkooda ay adeegsadaan ay ku qaadi doonaan Iran, haddii ay wax dhibaato ah kula kacdo Sucuudi Arabiya, waxaanay dawlada Bakistan hore u diyaarisay, diyaaradaheeda hubka nukliyeerka xambaara kuwaas oo tan iyo intii Sucuudigu weeraray, Xuutiyiinta ahaa kuwo heegan sare ku jira.
Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamed Bukhaari ayaa isna ku baaqay in la dhiso ciidamo Suniyiinta Muslimiinta dunidu yeeshaan, kuwaas oo sida uu sheegay dalkiisu boqol kun oo askari ku darsan doono, waxaanu codsaday in hal milyan oo askari laga dhigo si ay u difacaan dhulka barakaysan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.