WorldRemitAds

Mujaahid Cali Guray

Ka hor intii aanay askartu la wareegin xukunka dalkii la odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Somali Republic) oo ka abuurmay midnimadii Somaliland iyo Somalia ee lixdankii waxay gobolada Jamhuuriyaddu ahaayeen sideed gobol oo laba ka mid ahi ay Somaliland ahaayeen(Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed). Markii dambe sidii uu Siyaad Barre marba gobol cusub u bixinayay wuxu gaadhsiiyay 18 gobol. Hadaba shan ka mid ahaa 18ku waxay ahaayeen Somaliland oo labadii gobol laga dhigay shan gobol eh iska daa. Somalia waxa u soo hadhay 13 gobol oo iyaguna ka samaysmay lixdii gobol ee Somalia ay ka koobnayd lixdankii. Goboloda Hiiraan iyo Bari( ex majeereeniya) mooyaane afartii gobol ee kale mid walba waa la sii qaybqaybiyay. Gobolkii Mudug waxa loo kala qaybiyay Mudug oo caasimadiisu ay Gaalkacayo oo awalba ay ahayd uun noqotay iyo Galguduud oo caasimadiisu ay noqotay Dhuusomareeb

SomlegalAds

Hadaba dastuurka Federaalku Somaliya wuxu odhanayaa waxa noqon kara State ka mida federaalka laba gobol iyo ka badan oo isu tegay. Hadii ay sidaa tahay garanay in Galguduud uu noqonayo State sharci ah oo ka samaysmay laba gobol oo buuxa( Mudug iyo Galguduud) xududihiisii oo dhamina ay sax yihiin oo la yaqaano ee waxa iswaydiin leh maye labadii gobol ee Puntland ay Faderaalka kaga mid noqotay lahayd ama kaga tahayba? Ma waxa la odhan karaa waa Bari iyo Nugaal?, waayahay gobolkii Nugaal miyuu jiraa dhulkiisuse mee? Marka laga reebo Garoowe intii kale miyaanay Somaliland noqonayn? Marka run lagu wada hadlayo ma jiraan laba gobol oo ka mid ah 13kii gobol ee Somalia oo Puntland ay kaga mid tahay federaalka Somalia hadii aanan anigu qaldanayne hadii aan qaldanahay lafteeda bal cidda igu dhaantaa ha i saxdo diyaar baan u ahaye.

Ma filayo inay jirto cid xaqiiqadan dafri kartaaye ma laga yaabaa sababaha ka dambeeya weerarada indho la’aanta ah ee dhinaca Puntland lagaga soo qaadayo Somaliland inay ka mid tahay hadii Somaliland sidaa ku tagto waabay ku tagtaye inay ogyihiin in xataa sharciyadii maamul goboleedka ay sheeganayeen uu meesha ka baxay wuu ka baxayaaye? Hadii ay sidaa tahay ma jira jiraa xal kale oo aan ahayn inay faraqa ka laalaado dhul ka mid ah Somaliland? Haa laakiin inta dastuurka federaalka Somaliya uu sidan yahay waxa u furan xal keliya oo ah inay Puntland la midowdo Galmudug si ay u noqdaan sedex gobol oo isugu tegay one State, sida Jubbaland iyo Koonfur galbeedba ay yeeleen. Sidii kale oo dhan maamul goboleedka Puntland kuma heli karo sharciyad. Ina Sanwaynana u gee, Puntland maaha maamul goboleed sharci ah marka la raacayo dastuurka Federaalka Somaliya Somalilandna xisaabta aanay ku jirin

Markaa odayaasha ha la yaabina ismaqiiqooda waxay marayaan halkii maskii qorotada qabsaday ee uu lahaa Cabdiqays;

Maskii qoorta dheeraa

Wuu qadhaabanaayee

Markuu qoratadii helay

Garay inay laba qisaasood

Qoortiisa sudhan tahay

Qaadyoo ma dhigi karo

Qoonyoo ma liqi karo

Ha qaniinsanaaduun

Imika gobolkii Sool ee Somaliland ayaa qoratadii noqday miyaa?

Caligurey

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.