WorldRemitAds

Boosaaso, Somalia, April 15, 2018 (Saxafi) –Wararkii ugu danbeeyay ee ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Somalia ayaa sheegaya in la fasaxay diyaarad laga lahaa Isku-tagga Imaaraadka Carabta oo lagu xayiray garoonka magaaladaas shalay dagaalka ka dhexeeya Imaaraadka iyo Somalia awgeed.

Wararka ayaa waxaa ay sheegaya in diyaaradan ay ka qaaday magaalada Boosaaso macalimiin tababaraysay ciidamada Badda ee maamulka Punland ee Somalia ka dib markii uu xumaaday xidhiidhka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

SomlegalAds

Puntland oo la safan Somalia ayaa ku doodaysa in Khilaaf soo kala dhaxgalay saraakiishii la soctay diyaarada iyo Ilaalada garoonkaas ayaa sababtay in saacado diyaarada lagu xayiro halkaas. Balse, xogaha qaar ayaa muujinaya in hawshani ay qayb ka tahay dagaalka ka dhanka ah ee Imaaraadka ee Somalia qaadatay ka dib heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka, iyaddoo Puntland oo hore heshiisyo ulla gashayna haatan ka baxday, ayna la safatay maamulkeedda dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in tababarayaasha ay ugu dambeyntii oggolaadeen in la baadho boorsooyinka ay siteen, Islamarkaana lagala hadhay hub ay siteen.

Sidoo kale waxaa ay wararku sheegayaan in loo diiday markab sitey calanka Imaaraadka Carabta in uu hub ka qaado dekeda, waxaana socda wada hadallo arrintan lagu xallinayo.

Arrintan ayaa muujineysa heerka uu gaadhsiisan yahay khilaafka u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii sidan oo kale todobaadkii hore dawladda Soomaaliya ku qabtay garoonka Aadan Cadde diyaarad laga lahaa Imaaraadka oo sida malaayiin dollar.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoo madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta. “Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoo Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda iyo ammaanka dalka” ayuu yidhi Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horre waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka sii horeeyay wafdiga Farmaajo. Waxaana uu ka qeyb galay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha. Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa isku dhan ka ah dagaalka waddamada Khaliijka ee cunaqabataynta lagu ssaaray waddanka Qatar, kaas oo saameyntiisa si weyn looga dareemay waddamada Geeska Afrika gaar ahaan Somaliland iyo Somalia oo la kala saftay. Waxaana la filayaa in kullamada gaar gaarka ah Madaxweynaha Somalia loogu laqimi doono dagaalkan oo hadii uu ku sii adkaysto gacan siintiisa Qatar markaas la eegi doono sida uu uga adkaysto natiijadda ka dhalatta maadaama Turkiga iyo Qatar danaha ka dhexeeya mid ka weyni ka weyni dhexeeyo Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.