WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, May 28, 2018 (Saxafi) – Madaxtooyadda maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen shalay oo ay ugu jawaabayaan madaxweynaha Somaliland ku sheegay in ay beesha caalamka ay ku wargeliyeen in ay Somaliland ka baxdo deegaanka Tukaraq.

“Waxaa ay beesha caalamka u sheegtay maamulka inay dib uga baxaan deegaannada ay ku soo duuleen, laakin hoggaamiyaha maamulka wuxuu ku dooday inuu tagayo xadduuda uu Ingiriiska siiyay .. wuxuuna dhagaha ka fureystay dhammaan soo jeedinaddii beesha caalamka wuxuuna duullan ku soo qaaday deegaanka Tukaraq ee Puntland.”ayaa lugu yidhi war-saxaafadeedka oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Puntland oo intaa ku daray “Dhul iyo dad ka tirsan Puntland ma bixin karro Ingiriis.. Madaxweynaha Puntland wax gorgortan ah kama gelayo deegaannada dastuuriga ah ee Puntland mana bixin karto dowladda Federaalka dhul ka mid ah Puntland.”

SomlegalAds

Labadii toddobad ee u dambeeyay Puntland iyo Somaliland ayaa ku dagaallamayay deegaanka Tukaraq, waxaa la aaminsanyahay dad ka badan 100 ruux ay ku dhinteen, iyadoo labada dhinac-ba uu guulo ka sheeganayay dagaalladii dhacay, mana jirto wax xal ah oo xiisadaas laga gaadhay, dhinac walbana wuxuu wali ku sugan-yahay halkii uu hore u joogay – warka u dambeeyay ee hadda ka soo baxay Puntland wuxuu ka mid noqonayo hadallada ay saxaafadda u gudbinayaan hoggaamiyayaasha sare ee labada dhinac.

Hase ahaatee, Madaxweynaha Somaliland ayaa isagu cadeeyay in aanay duullaan ku ahayn Garoowe iyo Somalia midna ee ay sugayaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ku sugan yihiin guddaha dalka Somaliland oo weli ay xuduudka u jiraan ilaa 60 km. hase ahaatee, maamul goboleedka Puntland ayaa isagu aaminsan tan ka soo horjeedkeeda nidaam beeleed in kasta oo Beesha Gobolka Sool lafteedu ka soo horjeedo baddi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.