WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 14, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Munaasibad aad u qurux badan oo xil-wareejinta labada Madaxweyne iyo dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka cusub loogu sameeyey qasriga Madaxtooyada Somaliland shalay, waxa ka qayb galay wufuud heer sare ah oo ka socota dalka Ingiriiska, waddamo ka tirsan ururka Midowga Yurub oo ay ka mid yihiin Holland, Sweden, Denmark iyo Switzeland, madax ka socotay dalalka jaarka ee Jabuuti, Itoobiya, iyo Kiiniya, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, saddex ka mid ah Madaxweyne-ku-xigeennadii Somaliland hore u soo maray oo kala ah; Md. Xasan Ciise Jaamac, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyeyaasha Golayayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada – Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, golihii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno ka mid ah golayaasha qaranka, salaadiin iyo madaxdhaqameed fara badan oo uu ka mid yahay Ugaaska Guud ee Beelaha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim (Rooble) iyo marti sharaf qaybaha bulshada ka socda oo tiradoodu ka badan tahay laba kun oo qof oo qaarkood ka yimaadeen dalalka jaarka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa madashaasi dhaarta uu qorayo Dastuurka dalku ku dhaariyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka lagu doortay doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017, waxaanna markaa kadib Madaxweynaha xilka ka degay Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku wareejiyey dhukumentiga dawladda Madaxweynaha cusub Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

SomlegalAds

Safiirro ka socday dalalka Ingiriiska iyo kuwa Midowga Yurub oo ka mid ahaa wufuudda caalamiga ah ee munaasibadda xil-wareejinta ka qaybgalay, ayaa khudbado ay ka jeediyeen halkaasi hambalyo iyo bogaadin u kala jeediyey labada Madaxweyne ee xilka la kala wareegay, waxaanay ku ammaaneen Somaliland hannaanka dimuqraadiyadda ee ay tusaale fiican ugu noqdeen Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Md. Axmed Shire, Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Kenya, kuwaas oo kala hoggaaminayey weftiyo saddexdaasi dal u soo dirsadeen munaasibadda dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Somaliland, ayaa khudbado ay ka jeediyeen madasha waxay si weyn u ammaaneen quruxda dimuqraadiyadda Somaliland ka hanoqaaday iyo hannaankeeda qori-isku-dhiibka talada waddanka ee ay ku caanka noqotay, isla markaana waxay Madaxweynaha cusub ku dhiirrigeliyeen inuu muhiimad gaar ah siiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalkooda oo ay iyaguna ballanqaadeen inay diyaar u yihiin.

Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ballaadhan ka jeediyey halkaasi, ayaa ku dheeraaday guulihii uu qaranku gaadhay muddadii uu gadh-wadeenka ahaa iyo sida uu mar walba naftiisa iyo xooggiisaba ugu soo huray wax-u-qabashada iyo horumarka ummaddiisa iyo dalkiisa Somaliland. Waxa kaloo uu Madaxweyne Siilaanyo u rajeeyey Madxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, isla markaana waxa uu bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyey Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxa uu ballanqaaday inuu dalka ku hagi doono dariiq sinnaan iyo caddaalad ku salaysan oo ku dhaqanka sharciga iyo kala-dambayntu saldhig u yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.