WorldRemitAds

Jigjiga, Ethiopia, August 5, 2018 (Saxafi) – Wararka ka immanaya magaallada Jigjiga ayaa sheegaya in xaalladda qalallaase balaadhan oo shalay halkaas ka dhacay ka soo raynayso, Isla markaana ay soo laabteen korrantada iyo biyaha oo shalay laga jaray magaaladdaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan xalay in wefti ka socda Fedaraalka Ethiopia ay tageen magaalada Jigjiga oo wadda hadal la galleen maamulka Dawladda Deegaanka dalkaas oo shalay horseed ka ahaa qalallaase iyo rabshaddo magaaladdaas hadheeyay. Laakiin, wararku ma sheegin waxaa ay ka wadda hadleen. Tan ka sokow xalay waxa soo baxay warar sheegay in ciidamadda federaalka ahi ay isku xeereen Madaxweynihii maamulkaas Cabdi Maxamuud Cumar oo galay xerro ciidan. Laakiin, taas cid cadaysay illaa xalay maanu hellin.

SomlegalAds

Sidee wax u dhaceen shalay

Ciidamadii federaalka ee Ethiopia ayaa shalay galay magaaladda Jigjiga ayaa wararku sheegayaan inay magaaladda ka baxeen ka dib markii shacab-kii iyo ciidamada liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen.

Ciidamada federaalka ayaa shalay la wareegay dhamaan xafiisyada dawladda iyo wadooyinka, hase yeeshee waxa baraha bulshada kala hadlay mas’uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baarlamaanka deegaanka iyo xubno ka mid ah wasiiradda, kuwaas oo shacabka ka dalbaday inay sharaftoodda ilaashaadaan oo dhulkoodda difaacaan.

Shacabka magaalada Jigjiga ayaa ku qamaamay meheradihii iyo guryihii dadka aan Soomaalida ahayni lahaayeen, gaar ahaan qoomiyadda Oromadda, waxaaanay boobeen hantidii taallay,iyadoo dadkii lahaana ka dhigay qaar firxaday iyo kuwo dhuumaalaysi ku jira magaaladda dhexdeedda.

Sidoo kale, waxa la gubay kiinasad weyn oo ku taallay Jig-jiga, kuwaas oo ololkeedii iyo qiiqeeda daafaha magaalada laga arkayey.

Soomaalidda deegaanka ayaa ku dhawaaqayey Oromo dooni mayno iyo Abiy Ahmed ha dhaco, waxaana wadooyinka kolba dhinac u socday gaadiidka shacabka oo dadku saaran yihiin iyo ciidamada liyuu booliska.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Liyuu booska oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay ayaa sheegay in ciidankii fadaraalka ay ka saareen. “Waanu iska celinay waana ka saarnay magaaladda ciidankii nagu soo duuley ”ayuu yidhi sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan ciidanka Liyuu booliska wakhti uu aad u mashquulsanaa  waxaanu ku jiray jawi dagaal oo buuq iyo sawaxan badan ayaan maqlayey intii aan telefoonka kula hadlayey, waxaanu dhibsanayey inaan la sii hadlo maadaama oo uu hawlgal ku jiro.

Madaxweynihii deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaan la ogeyn halka uu ku sugan yahay, in kastoo wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro xero ay leeyihiin ciidanka liyuu booliska.


Akhri: Ma Dhabbaa In Xabsiga Loo Taxaabayo Cabdi Iley Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia


Haddalkii danbe,

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa casarkii gaabnaa ee shalay hadal kooban siiyay warbaahin u gaar ah, waxaana uu  ugu baaqay in shacab-ku is dajiyaan.

Waxaa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabashadii shalay ka dhacay magaalada Jigjiga oo warar soo baxaya sheegayaan in ugu yaraan Laba ruux ay ku dhinteen, halka tiro kale oo badan oo shacab ah-na ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii dhacay.

Hadalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa mid aad ku koob-naa. Faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay qalallaase khasaare badan keenay iyo in ciidamada dowladda federaalka Itoobiya gudaha u galaan magaalada Jigjiga.

Marka la isku soo duubo, wararku waxaa ay sheegayaan inay dagan tahay xaallada magaallada Jigjiga ilaa xalay saacadihii danbe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.