WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, July 10, 2018 (Saxafi) – Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa ka hadlay horumarka ay Somaliland intii ay jirtay ku talaabsatay, waxaanu ugu baaqay Soomaaliya inteeda kale in ay wax badan ka daydaan Somaliland.

Sidaasna waxa uu ku yidhi hadal uu ka jeediyay Magaaladda Nairobi, sidoo kalena waxa uu ku taliyay in la joojiyo colaada Tukaraq. “Waxa aan doonayaa in aan wax yar ka taabto Dawladda Somaliland iyo madaxdeeda, Dawladda Somaliland iyo Madaxweynaheeda Muuse Biixi aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa, sida ay isugu tashadeen, sida ay dadkoodii iyo dalkoodii u mideeyeen iyo waliba sida ay amaankiisii u sugeen, taas oo ay ku gaadhsiiyeen in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ahi oo lagu kala badiyo hal dheeri. Sidaas darteed, dadka kale waxa la gudboon ee Soomaaliyeed iyo maamulada kale in ay walaalahood kaga Daydaan horumarka ay gaadhay iyo dedaalka ay sameeyaan” ayuu yidhi.

SomlegalAds

Sidoo kale waxa uu ku taliyay in la hakiyo colaadda Tukaraq oo u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, isaga oo xusay in ay halkaasi ku dhinteen dad aan waxba galabsani.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.